4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2015
Ciidanka AMISOM ee Saldhigga ku leh Garoonka Muqdisho Stadium oo Dilay Wiil Dhallinyaro ah


Axad, September 27, 2015 (HOL) — Ciidamada AMISOM ee ku Sugan Garoonka kubada Cagta ee Muqdisho Stadium ayaa gellinkii dambe ee maanta oo Axad ah toogasho ku dilay wiil dhallinyaro ah oo Kubad Ciyaarayay.

Wiilka oo magaciisa lagu sheegay, Maxmed Bashiir Axmed ayaa Waxaa Toogtay mid ka mid ah Askarta Ciidamada AMISOM ee saldhiggaas ku sugan sida ay u sheegeen Qaybaha Warbaahinta.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in toogashada wiilkan dhallinyarada ah ay timid, kaddib markii kubadii ay ku ciyaarayeen ay uga dhacday meel ku dhow difaacyada Ciidamadu ay leeyihiin Garoonka Bannaankiisa.

Maxamed Aadan Maxamuud oo Abti u ah Wiilka Toogashada lagu dilay ayaa Qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho u sheegay in Dilka Maxamed Bashiir uu u muuqday mid ula kac loo sameeyay oo wuxuushnimo ah.

“Wiilku wuxuu ka mid ahaa dhallinyaro Kubad ciyaarayay iyadoo Toogashadu ay dhacday markiii kubadii ay ku Dheelayeen ay uga dhacday meel Difaaca Ciidamada AMISOM aad ugu dhow, Wiilkuna siligga ciidamada ma dhaafin wuxuuna ku yiri ciidamadii goobtaas ku sugnaa ‘Kubadda i sii’ Askari baana kubaddii u soo tuuray, mid kaloo aan arkayn in loosoo tuuray banooniga ayaa rasaas ku furay, Wuxuuna ku geeriyooday isla Goobtaas,” ayuu yiri Maxamed Aadan oo Abti u ahaa wiilka la dilay.

Dhanka kale, Afhayeenka Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan oo Warbaahintu ay dilkaan wax ka weydiisay ayaa sheegay inuusan Waxba kala socon falka lagu dilay wiilkan dhallinyarada ah ee kubadda ciyaarayay.

Ugu dambeyn, Toogashadan ay ciidamada AMISOM u geysteen wiilkan dhallinyarada ah ayaa Waxay imaanaysaa Xilli dhawaan uu Sheegay Madaxweynaha Somalia in Garoonka Stadium Mogadishu laga rarayo ciidamada AMISOM ee saldhigga ka dhigtay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya