4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2015
Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo Safar ugu Baxay Dalka Ireland (SAWIRRO)


Axad, September 27, 2015 (HOL) — Wafdi uu hogaminayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ka Ambabaxay Madaarka Cigaal International ee Magaalada Hargeysa, isagoo sheegay inuu Safar shaqo ku tagayo Ireland, isla markaana ku sii hakan doonno magaaladda Dubai ee isku tagga imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, madaxweynaha waxay madaarka Hargeysa ku kulmeen madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin oo isna maanta dhoofay , isla markaana isku Diyaarad ay Wada-raacayeen Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo oo qolka nasashadda warbaahinta kula hadlayey ayaa sheegay inuu Mas'uuliyiinta dalka Ireland ballansan yihiin, isla markaana ka wadahadi doonaan arrimaha Somaliland iyo horumarka Somaliland ay gaadhay mudaddii ay dib ula soo noqotay madax banaanideeddii.

“Waxaan jecelahay in aan faahfaahin kooban idinka siiyo socdaal rasmi ah oo aan maanta ugu ambabaxaayo wadanka Ireland oo aan ku tegayo booqosho rasmiya. Waxaanan aniga iyo weftiga ila socdaa aan kulammo la yeelan doonaa haddii ALLE idmo Madaxweynaha IRELAND iyo masuuliyiin sare, waxaana kala hadli doona qadiyada Somaliland iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dhinac, Isla markaana waxaanu u bandhigi doonaa aragtida Qaranka Somaliland ee ku wajahan xaqa dadku ay u leeyihiin dawladnimadooda oo mudo dheer dhinac-dhaqaale, degenaansho, siyaasadeed iyo dawladnimo ka turjumaysa rabitaanka Dadweynaha Somaliland ay dadka reer Somaliland ku guulaysteen, una baahan yihiin in gacan laga siiyo hawlahaasi ay ku mashquulsan yihiin dawlada iyo shacbkeena,” ayuu yidhi madaxweyne Silaanyo oo ka warbixinayey ujeedadda safarkiisa.

Waxaanu intaas ku daray “Socdaalkani wuxuu ka mid yahay socdaaladii aan horeba ugu tegi jiray wadamada caalamka si aan ugu bandhigo, uguna qanciyo beesha caalamka waxa ay mudan tahay Somaliland in laga yeelo. Waxanan sii mari-doonaa Imaaraadka Carabta kadibna waxaanu uga sii gudbi doono Ireland. Dadka Somaliland waxaan ku waaninayaa in sidii ay awalba heeganka ugu ahaayeen nabadgelyada qaranka ay sii xoojiyaan.”

Madaxweynaha Waxaa Safarkiisa ku wehliyay Marwadiisa, Aamina Sh. Maxamuud Jirde, Wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md. Cali Axmed Cali.

Weftiga madaxweynaha madaarka ku sii dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Saylici, gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, wasiiro, xildhibaano iyo dadweyne kaleba.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland