4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2015
WASIIR HADLIYE: Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay Natiijo Wanaagsan ayaan ka Filaynaa


Axad, September 27, 2015 (HOL) — Wasiirka Arimaha Dibadda DF Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in Shir-weynaha Sannadkan ee Qaramada Midoobey ay ka Rajeynayaan Natiijo Wanaagsan.

C/salaan Hadliye oo wareysi siiyaya VOA-da ayaa xusay in shirka intiisa badan looga hadlayo sidii loo tir-tiri lahaa Saboolnimada 15-ka sano ee soo socota, isagoo intaa ku daray in Somalia ay ka mid tahay dalalka dhaqaalo ahaan laga taageerayo.

“Shirka waxaa ka rajeyneynaa inay natiijo fiican kasoo baxdo, waxaana Madaxweynaha uu khudbad ka jeedin doona shirweynaha shannadkan,” ayuu Wasiir Hadliye hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay uu sheegay in Somalia ay la hortagi doonto shirka Qaramada Midoobey wixii u Qabsoomay mudadii Sannadka ahayd, isagoo tilmaamay in wax badan ay u Qabsoomay Dowladda.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa khudbad uu uga hadlayo xaaladda Somalia iyo isbedellada jira ka jeedin doona shirweynaha 70-aad ee Qaramada Midoobay oo ka socda New York.

Ugu dambeyn, shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Somalia ayaa la filayaa inuu ka dhaco New York, Waxaana shirkaas guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya