4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 26, 2015
Hogaamiyihii Afgambigii dhicisoobay ee Burkina Faso iyo 13 Xubnood oo la Xayiray Hantidoodii


Sabti, September 26, 2015 (HOL) — Hoggaamiyihii Af-gambigii Dhicisoobay ee Burkina Faso, Jen. Gilbert Diendere ayaa hantidiisa la xayiray, kaddib markii uu mas’uul ka noqday xarigii Madaxweynaha iyo RW-ha xukuumaddii KMG-ka ahaa ee dalkaas.

Xeer-Ilaaliyada Guud ee Burkina Faso ayaa warbixin uu soo saaray Maanta ku xusay in la xannibay hantida 13-xubnood oo kale oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen Afgambiga, Xisbiga Madaxweynihii hore ee Dalka Burkina Faso Blaise Campaore iyo Saddex Xisbi ee kale.

Go’aankan ayaa ogolaanaya in la xannibo dhamaan hantida xubnaha looga shakisan yahay Afgambiga, wuxuuna tallaabadan ay imaanaysaa, kaddib markii Madaxweynaha KMG-ka ah ee dalkaas uu ku dhawaaqay inuu kala diray Ilaalada Madaxtooyada.

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada dalka Burkina Faso oo loo yaqaano RSP ayaa ah ciidan tababaran fiican qaba, iyagoo ka kooban yihiin 1,200 oo Askari, waana ciidan uu aasaasay Madaxweynihii hore ee dalkaas ka talinayay 27-sano, Blaise Campaore, kaasoo sannadkii hore xukunka laga tuuray kaddib kacdoon ballaaran oo dalkaas ka dhacay.

Madaxweynaha KMG-ka ah ee dalka Burkina Faso, Michel Kafando ayaa Arbacadii Xilka ka qaaday Wasiirkii Amniga, isla markaana magacaabay Guddi soo baara dhammaan ciddii ku lugta lahayd Afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay.

Ugu dambeyn, Michel Kafando ayaa dib Xukunka ula Wareegay markii Madaxda Dalalka ku yaalla Galbeedka Afrika ay ku Cadaadiyeen Hoggaamiyihii Af-gambiga Burkina Fasho inuu xukunka ku wareejiyo madaxweynihii KMG ahaa, waxaana cadaadiskan qayb ka ahaa Waddamada Reer Galbeedka oo Cambaareeyay Af-gambigii ka dhacay dalka Burkina Faso Toddobaadkii hore.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya