4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 26, 2015
Muftiga Ugu Weyn Sucuudiga oo Shilkii Xajka ka dhacay ku Tilmaamay Amar ALLE (SAWIRRO)


Sabti, September 26, 2015 (HOL) — Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa si aad ah isaga Fogeysay eedeymaha ku Saabsan in Musiibadii ka dhacday Xajka ay Mas’uul ka ahaayeen Xubno ka tirsan Xukuumadda Waddankaas.

Warbixin ay soo saartay maanta Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sucuudiga ayay ku beenisay inay Musiibadan sabab u ahayd markii la xiray mid ka mid ah Jidadkii ay Xujeydu mari lahaayeen, Xilligaasoo ay Xajka ku tageen booqasho mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Sucuudiga oo uu Hoggaaminayay dhaxal-sugaha boqortooyada Saudi Arabia, Amiir Maxamed bin Naa’if.

Sidoo kale, Afhayeen u hadlay boqortooyada Sucuudiga ayaa isna sheegay in Hadalkaas uu yahay mid aanay waxba ka jirin oo ay soo abuurtay saxaafada dalka Iiraan, isagoo ku daray intaas in xukuumadda Sucuudiga ay baaritaan ku sameyn doono shilkaan sida uu u dhacay.

Hadallada ay isku difaacayso Boqortooyada Saudi Arabia ayaa waxay u gudubtay inuu ka hadlo Muftiga ugu sarreeya Sucuudiga, Sh. Cabdulcasiis Bin Cabdulla Ala-Sheikh, isagoo Warbaahinta dalkaas u sheegay in shilkii xajka ka dhacay uu ahaa mid ku yimid Amar Alle oo aan la celin karin.

“Musiibadan mas’uul kama ahan Wasiirka Arrimaha Gudaha Sucuudiga, Amiir Maxamed Bin Naa’if, Waayo Qaddarka ALLE ma ahan mid la celin karo,” ayuu ku sheegay Muftiga hadalka uu siiyay Warbaahinta Sucuudiga.

Sheekh C/casiis Bin C/lla ayaa hadalkiisa ku daray in wax walba oo Alle amarkii ku dhici lahaa aysan jirin cid celin karta, sidaa awgeed aysan habboonayn in Mas’uuliyada arrintan aan dusha laga saari karin cid gaar ah.

Warbaahinta dalka Iiraan ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga oo ah mas’uulka dhanka Arrimaha xajka u Qaabilsan Saudi Arabia uu mas’uul ka ahaa shilkii ka dhacay Xajka ee ay ku geeriyoodeen boqolaalka xujeyda ah.

Hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku sheegay hadal uu warbaahinta dalkiisa siiyay in 131-qof oo ka mid ah dadkii ku dhintay Xajka ay u dhasheen dalkooda, isagoo mas’uulyadda shilkaas dusha uga tuurtay mas’uuliyiinta Saudi Arabia.

Si kastaba ha ahaatee, Weli waxaa jira Xujeyd la la’yahay illaa Maalintii uu Shilku dhacay, kuwaasoo ay ka mid yihiin Soomaali, iyadoo ehellada dadkaan la la’yahay ay Warbaahinta u sheegeen inaysan geeri iyo nolol meel ku ogeyn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya