4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 26, 2015
Ururka Solja oo Cambaareeyay Wariye lagu xiray Berbera & Suxufiyiin kasoo Firxaday Degmadaas


Sabti, September 26, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac ayaa cambaareeyey  wariye lagu xidhay magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil iyo kuwo kale oo lagu daba jiro in xabsiga loo taxaabo.

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu si adag uga soo horjeeda xariga wariye Maxamed C/laahi Soo-fadhiiste oo muddo sadex cisho ah magaaladda Berbera ugu xidhan Xukuumadda Somaliland, kaasoo Ciidamada Booliisku Qabteen kaddib markii uu TV-ga Somalicable ka sii daayey war ku saabsanaa dadweynaha Reer Berbera oo salaadii Ciidal Adxa ku foodhyey wasiiro ka tirsan xukuumadda oo damcay inay qudbad ka jeediyaan fagaarihii salaada lagu tukanayey ka hor intii aan Salaadda Ciidda la tukan,” ayuu yidhi gudoomiyaha gudoomiyaha SOLJA Maxamuud Xuuto.

Waxaanu intaa ku daray “Sidoo kale, Ururka SOLJA waxa uu xad-gudub u arkaa talaabada ay Booliisku ku ugaarsanayaan suxufiyiinta kala ah; Axmed Siciid oo ka shaqeeya TV-ga Kalsan, Mubaarak Nirig oo ka hawl-gala Star Tv iyo C/raxmaan Maxamed Cige oo isna ka tirsan Telefishanka Star, kuwaasoo sida wararka naga soo gaadhaya ciidamada Booliisku guryahooda baadheen, hase yeeshee ka cararay magaaladda”.

Ururka SOLJA ayaa sheegay in xadhiga iyo Ugaadhsiga wariyayaasha Gobolka Saaxil gaar ahaan magaaladda Berbera uu ka dhashay khilaafka ka taagan wareejinta Haamaha Shiidaalka Berbera oo la ogaa gacan ka hadalkii ka dhacay Golaha wakiiladda ee ay isku farasaareen Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Ku-xigeenkiisa, isla markaana ay laaleen Mudanayaasha Golahaasi in uu yahay mid ay wasiiradda ka soo jeeda Gobolka Saaxil ku doonayaan inay wariyayaasha kaga hor istaageen inay xogaha ku gedaaman bulshada u bandhigaan.

SOLJA waxay hore uga hadhashay talaabadii uu taliye ku-xigeenka Qaybta Booliiska ee Gobolka Saaxil isla dhacdo tan oo kale ah uu ugu xidhay wariye C/raxmaan Maxamed Cige oo ka shaqeeya Somnews Tv, kaasoo booliisku xabsiga dhigeen isagoo duubaya shir jaraa’id oo lagaga soo horjeeday mashruuca haamaha, halka aan laga xidhin wariyayaal war ka duubayey isla shir jaraa’id oo lagu taageerayey go’aanka ay xukuumaddu shirkadaha ku siisay Haamaha shiidaalka.

Ururka SOLJA oo sii hadlaya waxa uu yidhi “Sidaas daraadeed, waxa uu Ururka SOLJA mar kale ku celinayaa inay Wasiiradda sida cad u caadaystay inay warbaahinta ka hor istaagaan shaqada ay qaranka u hayaan u sheegaynaa in aanay awood u lahayn maanta inay qariyaan wax kasta oo dalkan ka jira, waxaanan ugu baaqaynaa Madaxweynaha Somaliland iyo Hay’addaha Garsoorka ee Dalka inay xorriyadooda usoo celiyaan wariyaha xidhan, kuwa laa baadi-goobayana ka joojiyaan Booliiska ay wasiiraddu u adeegsanayaan”.

Si kasta ha ahaatee, Gobolka Saaxil ayaa lagu xiray wariye halka kuwii kalana magaaladda Berbera iskaga carareen si aan xabsiga loogu tuurin.

Sidoo kale, waxa iyaguna cambaareeyey dhamaan wariyeyaasha ka hawlgala Somaliland oo falkaasi u arka mid lagu cabudhinayo Warbaahinta Madaxa-bannaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland