4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 26, 2015
Safiirka Somalia ee Kenya iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta DFS oo Booqday Maxaabiis Somali ah


Sabti, September 26, 2015 (HOL) — Danjiraha Somalia u jooga Kenya, Jamaal Maxamed Xasan iyo Xubno la socday ayaa Waxay booqdeen Xabsiga Shimo ee ku yaalla Magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo ay ku xiran yihiin in ku dhow 100 Maxaabiis Soomaaliyeed ah oo ku xukuman falal burcadbadeednimo ah.

Xubnaha Booqday xabsigan ayaa waxaa ka mid ah Qunsulka Safaarada Somalia ee Kenya, Cali Maxamed Sheekh (Bagadi), taliyaha ciidanka Asluubta Somalia Jen Bashiir Maxamed Jaamac [Goobbe], taliyaha xabsiyada Kenya Isaya Osugo, Wasiirka Cadaaladda Puntland, Saalax Xabiib Jaamac, Agaasimaha Hay’ada La-dagaallanka Burcad-badeeda ee Puntland, C/risaaq Ducaysane iyo Xubno QM u Qaabilsan dambiyada ee Magaceeda loo soo gaabiyo UNODC.

Safiirka Somalia ee Dalka Kenya ayaa Maxaabiista ka Dhagaystay Warbixinno la Xiriirta Xaaladda ay ku sugan yihiin; iyadoo qaar ka mid ah maxaabiista ay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dhibaatooyin badan ku haystaan xabsiyada, ayna jeclaan lahaayeen inay xabsigooda ku dhameystaan Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya iyo Wasiirka Cadaaladda Puntland oo iyaguna la hadlay warbaahinta ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin dhibaatooyinka Maxaabiistan ku haysta xabsiyada, waxayna sheegeen inay ku dadaali doonaan sidii muddada xabsiyadooda ka harsan ay ugu dhameysan lahaayeen dalkooda.

Danjire, Jamaal Maxamed ayaa maxaabiista guddoonsiiyay deeq dhar ah oo ka koobnayd shaarar, Macawisyo iyo Funaanado, kuwaasoo uu ugu talo-galay inay uga Qayb-qaataan Damaashaadka Ciidul-Adxa, wuxuuna u ballan-qaaday in goor-dhow arrintooda wax laga qaban doono.

Ugu dambeyn, Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu danjiraha Somalia u fadhiya dalka Kenya ku tago Xabsiga Mombasa, tan iyo markii loo Magacaabay Xilkaan loo magacaabay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya