4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 26, 2015
Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweyne Xasan oo ka Qayb-galaya Shirka Guud ee QM (SAWIRRO)


Sabti, September 26, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta u Ambabaxay Mareykanka, Halkaasoo ay kaga Qayb-galayaan Shirweynaha Qaramada Midoobay ee Sannadkan.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha sii sagtooiyay RW-ha Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari iyo Mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa Magaalada New York kaga Qayb-geli doona shirka 70-aad ee Qaramada Midoobay, kaasoo sannadkiiba mar la qabto, Waxaana sidoo kale ay ka qaybgeli doonaan shirkan xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia, C/salaam Hadliye Cumar.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa shirka Golaha Ammaanka QM ka jeedin doona khudbad uu uga hadli doono xaalada Soomaaliya iyo horumarrada dowladda ay gaartay saddexdii sano ee Dowladda hadda jirta ay shaqeynaysay.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia iyo Wafdigiisa ayaa inta ay Joogaan Maraykanka waxay kulamo gaar-gaar ah la qaadan doonaan Madaxda Shirka ka soo qaybgalaysa oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya