4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 26, 2015
Dowlada Kuwait oo sheegtay inay Soomaaliya ka Caawinayso Dagaalanka ay kula jiro Al-shabaab


Sabti, September 26, 2015 (HOL) — Xukuumadda Kuwait ayaa shaacisay inay ka Caawin doonto Somalia dagaalka lagula jiro Al-shabaab, kaddib kulan New York ku yeesheen Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Kuweit, Sh, Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah iyo Wasiirka Arrimaha  Dibadda Somalia, C/salaam Hadliye Cumar.

Intii uu socday kulanka labadan mas’uul oo shalay dhacay ayuu ka sheegay Sheekh Sheikh Sabah Al-Khaled ayaa sheegay in Dowladdiisu ay gacan ka siinayso Soomaaliya Xoojinta amniga iyo deggenaashaha Somalia oo dhan.

Sidoo kale, labadan mas’uul oo ka mid ah xubnaha ka qaybgalaya Shir-weynaha 70-aad ee Qaramada Midoobay, ayaa waxay sidoo kale kulankooda kaga doodeen xiriirka iskaashi ee labada waddan iyo iskaashiga labada dhinac.

Dowladda Kuwait ayaa waxay ka mid tahay dalalka caawiya Somalia, waxaana ka furmay dalkeeda shir dhaqaale loogu ururinayo horumarinta waxbarashada Soomaaliya, si caruurta Soomaaliyeed ay u helaan waxbarasho dhameystran.

Ugu dambeyn, shirka labada mas’uul ayaa waxaa goobjoog ka ahaa kaaliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Waddanka Kuwait, danjiraha Kuwait ee Mareykanka Dr Ahmad Nasser Mohammad Al-Sabah iyo xogyahaha Joogtada ah ee Kuwait u jooga Qaramada Midoobay, Mansour Al-Otaibi.

Si kastaba ha ahaatee, dhanka Somalia ayaa iyaguna shirka goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya