4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 25, 2015
Dr. Cali Macow Aweys oo ka warbxiyay cudurada uu Daweeyo iyo Isbitaal uu ka Furayo NAIROBI


Jimco, September 25, 2015 (HOL) — Dr. Cali Macow Aweys oo ka mid ah Dhakhaatiirta ugu caansan Soomaliya isla markaana qaabilsan cudurada ku dhaca uur-ku-jirta iyo kuwa guud ayaa marki ugu horaysay sheegay in adeegyadiisa caafimaad uu gaarsinayo deegaano badan oo dalka ku yaalla.

Dhakhtarka oo wax ku soo bartay dalka Jarmalka ,isla markaana mudo ka badan 25-sano ka soo shaqeeyay qurbaha ayaa go’aansaday in uu dalka dib ugu soo laabto si uu wax ugu qabto walaalaha Soomaaliyeed oo wali ka soo kabanaya colaadihii dalka ka dhacay.

“Waxaan adeegyo caafimaad u qabanaa dadka waa weyn, Dumarka iyo waliba caruurta, waxaan kaloo halkan ku daweynaa xanuunada ku dhaca lafaha “ ayuu yiri Dr Cali Macow Aweys oo aan ku booqannay Isbitaalka uu ku leeyahay magaalada Garowe.

“Xanuunada aan daweeyo waxaa ka mid ah; kuwa ku dhaca Wadnaha, sambabada, kilyaha, caloosha, beerka, min-dhicirrada iyo Beeryarada, intaas waxaa dheer inaan iyada daweyno xanuun walba oo lafaha gala,“ ayuu Dr. Macoow mar kale yiri.

Sidoo kale, Dakhtarka oo aan weydiisay sababta uu Isbitaal uu Garoowe uga furan waayay ayaa sheegay in markii hore uu qorshaynayay in uu ka hirgaliyo magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland, balse laga hor-istaagay.

“Maaalinkii ugu yaraan 15-qof ayaan ku qaabilaa halkan ,waxaana ka daweeyaa xanuuno ay kamid yihiin kuwa ku dhaca uur ku jirta, Romatiisimka iyo  Arthritis-ka “ ayuu Macow xusay ,isaga oo tilmaamay in wax badan uu u qabtay umadda Soomaaliyeed.

“Hadda waxa qorshaha  noogu jirta inaan gaarno magaaloyin kale oo dalka ku yaala sida Muqdiisho ,Kismaayo ,Baladweyne iyo Bosaaso si ay dadku u helaan adeeg caafimaad oo la xiriira waxyaabaha aan qaabilsanahay “ ayaa kamid ah hadalada Dhakhtarka.

Dr. Macow ayaa sheegay in isbitaalkiisa laga heli karo qalabki ugu danbeeyay oo casri oo lagu baaro xanuunada uu daweeyo sida ECG oo ah noocii ugu danbeeyay oo lagu baaro xanuunada wadnaha ,dhiig-ga iyo xididdada .

“Qalabka noo yaal waxa uu isugu jira noocyo kala duwan ,waxaana kamid ah Ultrasound oo aan ku baarno xanuuno badan gaar ahaan kuwa dumarka iyo qalabka kale ee loo yaqaan Gastroscopy oo isna lagu ogaado xanuunada Caloosha “ ayuu yiri Macow.

Ugu dambeyn, Dhakhtarka ayaa sheegay in isbitaalkiisa uu si lacag la'aan ah ku daweeyo masaakiinta aan awoodin qarashaadka ee u imaanaya isaga, isagoo tilmaamay in dhawaan uu isbitaal cusub ka furan doono magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Dhakhtarka Waxaa laga xiriiri karaa Lambarada hoos ku Qoran. Mob: +252907828879 ama Mob: +252907828889

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]