4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 25, 2015
Shirkada SOMA OIL & GAS oo Mar kale beenisay eeddii QM ee dhanka Musuq-maasuqa (DAAWO)


Jimco, September 25, 2015 (HOL) — Shirkadda SOMA OIL & GAS ayaa mar kale iska diiday eedeymo loosoo jeediyay oo ah inaysan Qaanuuna Waafaqsanayn heshiiskii ay la gashay Dowladda Somalia ee dhinaca barista shidaalka ah.

Maareeyaha Guud ee Shirkaddaas, Bob Sheppard oo Wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in eedeyntaas aysan ahayn mid jirta, isagoo sheegay in ay Shirkaddooda diyaar u tahay soo dhaweynta wax walba oo lagu xaqiijinayo heshiiskooda iyo hawlahooda shaqo.

“Eedaha ku jira warbixinta Qaramada Midoobay, Waxaan Rumeysannahay inaanay ahayn kuwo sal leh, SOMA OIL & GAS waxay mar walba u arkaysay howlaheeda shaqo kuwo Sharciga iyo Anshaxa Waafaqsan, Waxaana u muujinnay wada-shaqeyn aad u wanaagsan, waxaan kaloo Weydiisannay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay inaan la fariisanno oo aan u shararxno is-faham heshiiskan la xiriira, gaar ahaan sida kooxda kormeerka QM u tarjuntay arrinta la xiriirta heshiiska kobcinta Awoodda ee aynu la galnay Dowladda FS,” ayuu yiri Bob Sheppard.

Su’aal la weydiiyay Bob Sheppard oo ahayd sababta Shirkadooda ku kalliftay inay kharash badan siiso Wasaarada Batroolka ee Dowladda Somalia iyo sidoo kale inay Shaqaaleysiiso Qareen u dhashay dalka Canada, ayuu kaga jawaabay.

“Heshiiskaas Kobcinta Awoodda ah waa wax iska caadi ah oo ay sameystaan shirkadaha nala midka ah ee shidaalka iyo kuwa kaleba, waayo Wasaaradda Batroolka Somalia ma lahan kaabayaashii ay u baahneyd, si ay u fuliso howsha ay Dowladda u dirsatay, marka heshiiska wuxuu ahaa midaan qarash ku siinnay dowladda Somalia, si Qarashkaas ugu isticmaasho sidii ay u qoran lahayd dad wasaarada kala shaqeeya howlaha maamulka iyo wadista shaqada. Wasaaraddu waxay sidoo kale shaqaaleysiisay tan iyo sannadkii 2006-dii Qaar ka mid ah Qareennada ugu cad-cad caalamka ee dhinaca shidaalka, waxaana qayb ka ahaa in dowladda ay kaalmmo na-weydiisato sidii ay isaga bixin lahayd Mushaarka Qareenadaas.”

DAAWO: Wareysiga uu VOA-da siiyay Maareeyaha Shirkadda SOM OIL & GAS;

Waxaa kaloo la weydiiyay inay jiraan warar sheegaya in heshiiska Soma Oil & Gas ay la gashay Dowladda Federaalka ay wax badan ka Qaldan yihiin, sidoo kalena aysan Somalia faa’iido badan ka helayn, ayuu kaga jawaabay.

“Waxay ila tahay in Warbixinta aad soo Xiganeyso inkastoo aan si toos ah u arag aan ka faaloon karin, waayo ma ahan mid sax ah, waxaanse qabaa in heshiiskan uu ahaa kii ugu wanaagsanaa oo noociisa ah, oo ay Dowladdu la gasho Shirkad Shidaal, marka intaan ogahay waxaan hayn kama faaloon karo.”

Sidoo kale, waxaa la weydiiyay Warbixinno sheegaya in shirkadda SOMA OIL & GAS ay abuurtay Hay’ado Gaar ah oo dhanka Amaanka ka shaqeeya, ayna macquul tahay Qaar ka mid ah ay ku lug yeeshaan falalka burcadbadeedka, isagoo su’aashaas kaga jawaabay.

“Ammaanku waa muhiim, mar kasta oo aad ka Hawl-galayso meel Soomaaliya oo kale ah, waxaana laga yaabaa in qayb ka mid ah Hawshaas ammaanka ay ku lug leedahay dhinaca xeebaha, balse inta badan halka aan innnagu ka howlgaleyno waa barriga, marka Amaanka Wuxuu ahaa waxa Durbadiiba markii aynu galay Heshiiska aanu diiradda Saarnay. Seddax Shirkaddood ayaana hawsha ammaanka ee heshiiskan ku lug yeeshay kuwaasoo kala ah, Solace, Salama Fikira iyo Peace Bossiness Group. Shirkadda Solace waa shirkadda ugu weyn ee dhanka Amniga ka shaqeysa marka la eego badaha Adduunka oo dhan. Salama Fikira iyadana waa shirkad ka shaqeeysa amniga Gobalka, halka Peace Bossiness Group ay tahay shirkad Soomaaliyeed oo gaar loo leeyahay, gacana naga siinaysa amniga xeebaha, waana shirkadda hay’adaha Gar-gaarka iyo Qaramada Midoobay kala shaqeysa ilaalinta xeebaha iyo Ammaanka Soomaaliya, marka sidaas ayaan u danaynay inaan la heshiinno shirkadahan si ay inooga caawiyaan ammaanka meelaha aan ka howl-galeyno.”

Shirkada SOMA OIL & GAS waxaa ku socda dacwadda musuq-maasuq dhanka heshiiskii ay la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya ah, Sidaas awgeed Waxaa Maareeyaha la weydiiyay Qanacsanaanta ay ku qabaan shirkad ahaan in dacwadaas la hakiyo haddii ay ahaan lahayd Britain iyo caalamka intiisa kale, wuxuuna ku jawaabay.

“Waxaanu si buuxda wada-shaqeyn ugu muujineynaa xafiiska baarista Musuq-maasuqa ee UK, si natiijo deg-deg ah baaristooda uga soo baxdo, waxaanu siinaynaa xog walba oo ay u baahan yihiin si xal looga gaaro dacwaddan.”

Gab-gabadii Sheppard ayaa la weydiiyay faa’iidada ugu jiri karta shacabka Soomaaliyded howsha baarista ah ee ay wadaan. Wuxuuna su’aashaas mar kale kaga jawaabay.

“Waxay ila tahay in billaabidda iyo dib u kicinta Qaybta Saliidda iyo Gaaska ee Waddanka Soomaaliya ay siyaabo dhawr ah muhiim u tahay, midda Koowaad, sida aan meelo kale ka aragnay haddii Qaybta Saliidda iyo Gaaska lagu Guuleysto waxay keenaysaa Dakhli badan oo Soomaaliya soo gala, iyadoo sidoo kale shaqooyin abuuri karta, waxaan u maleynayaa in madaxweynaha Somalia uu yiri Waxyaabaha ugu Waaweyn ee Xasiloonnida keeni kara ay ka mid yihiin dhaqaale iyo shaqooyin la helo. Kani waa ganacsi xilli dheer Qaadanaya, waa mashruuc 30 illaa 40 sano jiraya, marka waa mid fursad u ah qof walba oo Soomaaliya ah iyo dowladooda.”

Si kastaba ha ahaatee, Shirkadda SOMA OIL & GAS waa Shirkad laga leeyahay Britain waxaana Shaqadeedu tahay baarista shidaalka, iyadoo horay ula gashay dowladda Somalia heshiis dhanka baarista shidaalka iyo macdanta ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya