4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 25, 2015
Wafdi ka Socda Turkiga oo Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay (SAWIRRO)


Jimco, September 25, 2015 (HOL) — Wafdi ka socda Turkiga, gaar ahaan Hay’adda Turki DiyanetVakfi ayaa soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay, Waxayna Booqasho kusoo mareen Isbitaalka guud ee Baydhabo, saldhiga booliiska, xarunta agoonta Baydhabo iyo Xaafado ay deggen yihiin barakacyaal.

Wafdiga ayaa waxaa hor-kacayay guddoomiyaha Baydhaba ahna Duqa Baydhabo, C/llaahi Cali Watiin iyadoo ay sidoo kale la socdeen guddoomiyaha gobolka Bay, Rashiid C/llaahi Maxamed iyo Wasiir ka tirsan Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed.

Guddoomiyaha Degmada Baydhaba ayaa wafdiga siiyay warbixin ku aaddan baahida ka jirto magaalada iyo sidii ay Walaalaha Turkiga gacan uga gaysan lahaayeen Arrimaha dib u dhiska xarumaha Dowladda iyo kuwa Maamulka ee Magaalada.

Wafdiga ayaa waxay magaalada ka billaabayaan Qaybinta hilbaha Xoolaha taas oo ay ugu talo-galeen Ciidda Carrafo. Wafdiga ka socda Hay’ada Turkiye Diyanet Vakfi ayaa dhanka kale waxa ay maanta soo booqdeen xarunta ADC ee Baydhaba halkaasoo lagusoo xareeyay 150 neef oo Lo’ ah oo loogu talo-galay in loo bireeyo dadka tabarta yar loona qaybiyo.

Ugu dambeyn, Baydhaba ayaa waxaa horay u soo gaaray Safiirka Turkiga ee Somalia kaas oo ballan qaaday inay Dowladdiisu dib u dhis ku sameyn doonto goobo badan oo ah kuwa danta guud.

Hiiraan Online, Baydhabo