4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2015
Ciidanka Dowladda oo sheegay inay Al-shabaab kala Wareegeen Deegaanka Labaatan-jiroow


Khamiis, September 24, 2015 (HOL) — Millateriga Somalia ayaa Sheegay inay ku Dileen in ka badan 10 xubnood oo Al-shabaab ka tirsan dagaal Gobolka  Bay ka dhacay shalay oo Arbaco ahayd; iyagoo intaas ku daray in Dagaalkan oo ay ka Qayb ka ahaayeen Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan.

Taliyaha Ciidanka Somalia ee Gobolka Bay ku sugan, C/llaahi Sheekh Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa War-fidiyeenka u sheegay in ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay dagaalkan ku gubeen sadex gaari oo ay Al-shabaab lahayd ayna kala wareegeen Deegaanka Labaatan-jiroow ee Gobolka Bay.

“Intii dagaalku socday waxaan ku dilnay uGu yaraan toban Dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsanaa, Waxaana gubnay Saddex baabuur, innagoo kala wareegnay Labaatan-Jirow oo ah deegaan muhiim ah oo 60-km u jirta Baydhabo,” ayuu sarkaalku u sheegay Warbahainta.

Sidoo kale, Sarkaalka ayaa sheegay inay Gacanta ku dhigeen Xubno Al-shabaab ka Tirsan, isgaoo Wacad ku maray inay Hor-keeni doonaan Sharciga; isagoo aan sheegin Khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalkan.

Goobjooge lagu magacaabo Mustaf Jeelle oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay isagana Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua in deegaankooda uu ka dhacay dagaal culus.

“Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Itoobiya ee ka Tirsan AMISOM Waxay si Rasmi ah ula Wareegeen deegaanka Labaatan-jiroow, kaddib dagaal ay xoogagii Al-shabaab kula galeen deegaanka,” ayuu yiri Mustaf Jeelle.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaan weli ka Hadlin Dagaalkaan uu Sarkaalka ka tirsan Ciidamada dowladda Somalia uu sheegay inay ku qabsadeen deegaanka Labaatan-jiroow.

Al-shabaab ayaa sannadihii lasoo dhaafay lumiyay deegaanno badan oo ay ka talin jireen, inkastoo ay weli Al-shabaab ka talinayso deegaanno fara badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Qabsashada Deegaanka Labaatan-jiroow ayaa kusoo beegmaya xilli ay Al-shabaab Isniintii lasoo dhaafay Qarax ismiidaamin ah la beegsaday Xarunta Madaxtooyada Somalia, kaasoo ay ku dlieen 11-qof.

. Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya