4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2015
Gobolada & Degmooyinka Somaliland oo Maanta looga Dabaaal-degay Ciidda Carafo (SAWIRRO)


Khamiis, September 24, 2015 (HOL) — Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland ayaa si weyn loogu Dabaal-dagay maalinta Ciidda Carafo oo Caalamka Islaamka oo dhan maanta laga ciiday.

Saaka waaberigii ayaa dadweynuhu iskugu hambalyeynayeen munaasabada Ciida Awgeed, kuwaas oo caruur aad u labisan oo la socda Waalidkood buux-dhaafiyeen Waddooyinka.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo ayaa Maanta Salaadda Ciidal Adxa kula tukaday dadweynaha reer Hargeysa masaajidka masjid Jaamaca weyn ee magaaladda Hargeysa.

Madaxweynuhu wuxuu shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey Salaadda Ciidda Awgeed inuu muslimiinta iyo Caalamka Islaamka Sannadkan Sannadkiisa ku Gaadhaan Nabad iyo Barwaaqo.

Madaxweynuhu wuxuu salaadda Ciidda awgeed qasriga madaxtooyadda ku qaabilay qaar ka mid ah dadweynaha.

Sidoo kale, Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa isna shacbi tiro badan kula tukaday Garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium.

Madaxweyne xigeenka Somaliland oo hadal kooban u jeediyay bulshada Salaadda Ciidal Adxa u yimid garoonka ayaa ku dardaaray ilaalinta ammaanka oo uu sheegay inay ka mid tahay nimcooyinka Illaahay ku galladay bulshada Somaliland ee gayiga Soomaalida iyo guud ahaan geeska Africa ay kaga tilmaaman yihiin.

Dhanka kale, Wuxuu hambalyo iyo duco u diray shacbiga Somaliland ee gudo iyo dibadba jooga iyo shucuubta islaamka ah isagoo u rajeeyay mustaqbal fiican iyo horumar.

Ugu dambeyn, Gobolladda iyo Degmooyinka Somaliland ayaa si weyn loogu Ciiday, isla markaana waayeel iyo caruurba u xusayeen munaasibadan Ciidda Carrafo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland