4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2015
FAAHFAAHIN: Xujeydii ku Geeriyooday Xajka oo Tiradoodu kor u Dhaaftay 700 (SAWIRRO)


Khamiis, September 24, 2015 (HOL) — Tirada Xujeydii Maanta ku Geeriyootay XAJKA ayaa aad sare ugu kacday, iyadoo Tirada dhimashadu ay marayso 717 Xujeyn ah, iyadoo Tirada dhaawacyaduna ay gaarayaan 805 xujey ah, sida ay TV-ga Ekbariyah u sheegeen saraakiil ka tisran waaxda difaaca Madaniyiinta ee Saudi Arabia.

War-saxaafadeed ay goor-dhow soo saartay Waaxdan ayaa lagu sheegay in Dhimashada oo Markii Hore ahayd 450 ay aad u Korortay, sidoo kalena ay Dhaawacyadu aad u Kordheen, kuwaas oo markii hore ahaa 719 qof, Waxaana la Sheegay in intooda badan ay u dhasheen Dalalka Khaliijka Carabta.

Xujeydan boqolaalka ah ayaa ku dhintay is-buurasho xilli ay ku jireen shaydaan tuurka oo ka mid ah Waaajibaadyada Xajka, taasoo ka socotay Minna oo 2-mayl u jirta Magaalada Makka Al-Mukarama.

Sannadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku geeriyooday Xajka kumannaan qof oo xujey ahaa, iyadoo khasaarahan uu imaanayo Xilli 13-casho ka hor ay ku Geeriyooday Xajka in 100-Xujey ka badan, kaddib markii uu kusoo dul-dhacay wiish dayactirayay Masjidka Makka.

“Ciidamada waaxda Difaaca Madaniyiinta ayaa ku howlan wax ka Qabashada Mashaqadan oo ka dhacday Minna,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sucuudiga, Jen. Mansour al-Turki oo la hadlayay Warbaahinta.

Maamulka waaxda difaaca Madaniyiinta Saudi Arabia ayaa waxay warbixin ay soo saareen ku sheegeen inay goobta ay mashaqadu ka dhacday geeyeen in ka badan 4,000 oo shaqaale ah iyo 220 gaadiidka gurmadka deg-degga ah oo Qaadaya Dhaawacyada iyo Dhimashada.

“Waxaan arkayay shaqaale badan iyo gaadiidka gurmadka deg-degga ah oo ka howlgalaya Goobta uu Shilkaan ka dhacay,” ayay tiri Ethar El-Katatney oo ka mid ah Xujeydii Goob-joogga ahayd oo la hadashay Warbaahinta.

DHIMASHADII XAJKA KA DHACDAY SANNADIHII LASOO DHAAFAY;

1. Sannadkii 2006-dii Waxaa ku dhintay          360 oo Xujey ah
2. Sannadkii 1997-dii Waxaa ku dhintay         1,500 oo Xujey ah
3. Sannadkii 1994-tii Waxaa ku dhintay          270 oo Xujey ah
4. Sannadkii 1990-kii Waxaa ku dhintay         1,426 oo Xujey ah
5. Sannadkii 1984-kii Waxaa ku dhintay         400 oo Xujey ah

Ugu dambeyn, Mas'uuliyiinta Saudi Arabia ayaan weli sheegin Dalalka ay u kala dhasheen Xujeyda maanta ku Geeriyooday Minna xilli ay Gudanayeen Qayb ka mid ah Waajibaadka Xajka oo ahaa dhagax-tuurka Sheydaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya