4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2015
Magaalada Kismaayo oo si weyn looga Dabaal-dagay Munaasabadda Ciidda (SAWIRRO)


Khamiis, September 24, 2015 (HOL) —Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa siweyn looga dabaaldegay munaasibadda ciidda barakeeysan ee ciidul Adxa, iyadoo kumannaan qof ay isugu tageen qaar kamid ah fagaareyaasha ku yaal Kismaayo ee lagu oogo salaadda.

Goobaha sida weyn ay dadku isugu soo baxeen waxaa kamid ahaa garoonka kubadda cagta ee magaalada Kismaayo, halkaasoo kumannaan qof ay isugu soo baxeen, waxaana sidoo kale dadweeynaha halkaasi salaadda kula tukaday madaxweeyne kuxigeenka Jubbaland iyo gudoomiyaha baarlamanka Jubbaland.

Inta aan salaadda la tukan kahor ayaa waxaa madasha khudbado kala duwan ka jeediyay Madaxweeyne kuxigeenka Jubbaland Mudane C/qaadir Lugadheere, isagoo Hambalyo ku aadan munaasibadda ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Jubbaland.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo ayaa lagu arkayay carruur ku labisan dhar qurux badan, islamarkaana sita waxyaalihii ay ku cayaari lahaayeen, ayna ka muuqato farxad iyo reynreyn ku aadan ciidda.

Guud ahaan degmooyinka kala duwan ee gobolka J/hoose ayaa maanta siweyn looga dabaaldegay munaasibadda Ciiddul Adxa.

Dabaaldegyada kala duwan ee ciidda ayaa waxaa qeyb ka ahaa gowraca xoolaha nool, maadama ciidani ay caan ku tahay gowraca xoolaha, ayadoo ay dadku uga faa'iideystaan ajarka badan ee ku jira in wax la sadaqeeysto maalmaha hore ee ciiddul Adxa.

Xasan Nuur, Hiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.