Magaalada Kismaayo oo si weyn looga Dabaal-dagay Munaasabadda Ciidda (SAWIRRO)
Khamiis, September 24, 2015 (HOL) —Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa siweyn looga dabaaldegay munaasibadda ciidda barakeeysan ee ciidul Adxa, iyadoo kumannaan qof ay isugu tageen qaar kamid ah fagaareyaasha ku yaal Kismaayo ee lagu oogo salaadda.
Goobaha sida weyn ay dadku isugu soo baxeen waxaa kamid ahaa garoonka kubadda cagta ee magaalada Kismaayo, halkaasoo kumannaan qof ay isugu soo baxeen, waxaana sidoo kale dadweeynaha halkaasi salaadda kula tukaday madaxweeyne kuxigeenka Jubbaland iyo gudoomiyaha baarlamanka Jubbaland.
Inta aan salaadda la tukan kahor ayaa waxaa madasha khudbado kala duwan ka jeediyay Madaxweeyne kuxigeenka Jubbaland Mudane C/qaadir Lugadheere, isagoo Hambalyo ku aadan munaasibadda ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Jubbaland.
Wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo ayaa lagu arkayay carruur ku labisan dhar qurux badan, islamarkaana sita waxyaalihii ay ku cayaari lahaayeen, ayna ka muuqato farxad iyo reynreyn ku aadan ciidda.
Guud ahaan degmooyinka kala duwan ee gobolka J/hoose ayaa maanta siweyn looga dabaaldegay munaasibadda Ciiddul Adxa.
Dabaaldegyada kala duwan ee ciidda ayaa waxaa qeyb ka ahaa gowraca xoolaha nool, maadama ciidani ay caan ku tahay gowraca xoolaha, ayadoo ay dadku uga faa'iideystaan ajarka badan ee ku jira in wax la sadaqeeysto maalmaha hore ee ciiddul Adxa.
Xasan Nuur, Hiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka iyo ku Xigeenkiisa oo Maanta la dhaariyay (SAWIRRO)
- Ciidanka Dowladda oo sheegay inay Al-shabaab kala Wareegeen Deegaanka Labaatan-jiroow
- Gobolada & Degmooyinka Somaliland oo Maanta looga Dabaaal-degay Ciidda Carafo (SAWIRRO)
- FAAHFAAHIN: Xujeydii ku Geeriyooday Xajka oo Tiradoodu kor u Dhaaftay 700 (SAWIRRO)
- Booliiska Uganda oo Maanta ka Digay Weerarro laga yaabo inay Al-shabaab ka Geysato Kampala
- Somalida Magaalada Tromsø ee Dalka Norwey oo Maanta u Dabaal-dagay Ciidul-Adxa (SAWIRRO)
- Xiisado ka Jira Deegaanno ka Tirsan Gobolka Sool & Maamullo Siyaabo kala duwan uga hadlay
- Boqollaal Xaaji oo Maanta Geeriyooday XAJKA iyadoo Boqolaal kale ay dhaawacmeen (Sawirro)
- Jaaliyadda Soomaalida ee Norrkoping ee Sweden oo u Dabaal-dagay Ciidul-Adxa (SAWIRRO)
- Muslimiinta Dalka Kenya oo Si weyn u Ciiday xilli Maanta ay tahay Maalin Shaqo (SAWIRRO)
- Munaasabada Ciidul -Adxa oo si weyn looga Dabal-dagay Magaalada Beledweyne [SAWIRRO]
- Magaalooyinka Puntland oo Maanta si weyn looga Ciiday (SAWIRRO)
- Muqdisho oo laga ciiday iyo Madaxda Dalka oo Shacabka kula tukaday Masjidka Isbahaysiga (SAWIRRO)
- Abwaan Taban-Taabo oo Xanuun dartiis ugu Geeriyooday Magaalada Muqdisho