4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2015
Booliiska Uganda oo Maanta ka Digay Weerarro laga yaabo inay Al-shabaab ka Geysato Kampala


Khamiis, September 24, 2015 (HOL) — Booliiska Uganda ayaa Maanta ka digay Weerarro ay Suuro-gal tahay inay Al-shabaab ay ka Geystaan Masaajidda Kampala, iyagoo shacabka dalkaas ugu baaqay inay digtoonaadaan.

Saraakiisha Booliiska Uganda ayaa sheegay inay heleen Warbixinno Sirdoon oo la xiriira in Al-shabaab ay Qorsheynayso weerarro ay ka geystaan Magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda inta lagu jiro Maalmaha Ciidul-Adxa.

“Al-shabaab waxay qorsheynaysaa weerarro ay ka geystaan Kampala, waxaana shacabka ugu baaqaynaa inay kordhiyaan feejignaanta,” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saareen Booliiska Uganda.

Booliiska ayaa hadalkooda ku daray in ciidamada amniga dalkaas heegan buuxa la geliyay, iyadoo la geeyay qaybaha muhiimka ee Magaalada Kampala si ay uga Hor-tagaan Weerar Walba oo Suuro-gal ah oo ay soo Qaaddo Al-shabab.

Digniintan kasoo baxay booliiska dalka Uganda ayaa kusoo beegmaya xilli Al-shabaab ay dalkaas ka geysatay Sanadkii 2010-kii Qaraxyo ay ku dileen in ka badan 79-qof oo ciyaaro Kubadda Cagta ah Daawanayay.

Xarakada Al-shabaab oo Mas’uuliyadda Weerarkaas sheegatay, iyagoo xusay inuu jawaab u ahaa ahaa Ciidamada Uganda ay u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo haatan Qaybta ka ah Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM .

Ugu dabmeyn, Ciidamada dalka Uganda ayaa Qayb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo Dagaallo kula jiray Xilliyadii Dambe Xoogagga Al-shabaab ee ka taliya Qaybo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan Gobollada Koonfureed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya