4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2015
Somalida Magaalada Tromsø ee Dalka Norwey oo Maanta u Dabaal-dagay Ciidul-Adxa (SAWIRRO)


Khamiis, September 24, 2015 (HOL) — Iyadoo maanta ay tahay Maalintii 1-aad ee Ciidul-Adha ayaa Muslimiinta ku nool Magaalada Tromsø oo Soomaalida Qayb ka tahay waxa ay ku dukudeen salaadii Ciidul-Adaxa Gudaha Tromso Hallen, waxaana isugu yimid hoolkaas boqolaal muslimiin ah oo ku kala nool gudaha iyo daafaha magaalada.

Soomaalida ku nool Magaalada Tromsø iyo Ajaaniibta kale ee Islaamka ah ayaa la arkayay iyagoo isugu Mar-xabbeynaya Maalintan aadka u Qiimaha badan ee loogu Dabaal-dagayo Munaasabadda Ciidda, iyadoo sidoo kaloo isugu soo baxay dhamaan odayaasha, waxgarad, Dhallinyarada, Haweenka iyo Carruurta ku nool Tromsø oo si weyn looga dareemayay Farxadda Ciidda.

Qaybahqa kala duwan ee Bulshada ayaa Farxaddooda la wadaagay dhammaan Ummadda Islaamka ee ku nool Daafaha Adduunka; iyagoo ka dalbday qof kasta oo Muslim ah inuu gargaaro walaalahooda aan awoodin inay ka farxiyaan carruurtooda Ciiddan.

Ugu dambeyn, Culumada Magaalada Tromsø ayaa iyaguna soo bandhigay Muxaadarooyin Diini ah oo ku Saabsan Ahmiyadda ay leedahay Munaasabada Ciidda, iyagoo ku boorriyay Ummadda Soomaaliyeed inay is Cafiyaan oo ay u Duceeyaan Dalkooda si uu u noqdo Dal xasilloon oo ka gudba marxaladaha aan wanaagsanayn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya