4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2015
Xiisado ka Jira Deegaanno ka Tirsan Gobolka Sool & Maamullo Siyaabo kala duwan uga hadlay


Khamiis, September 24, 2015 (HOL) — Maamullada Somaliland, Khaatumo iyo Puntland ayaa Siyaabo kala duwan uga hadlay Dagaallo shalay ka dhacay Deegaanka Qoriley oo ka tirsan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo tuuladda Jalam oo ka tirsan Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa ku eedeeyey labadda maamul ee Puntland iyo Somaliland inay colaadaas ka dameeyeen.

"Dagaalka ka socda Qoriley ma ahan dagaal-beeleed ee waa dagaal siyaasadeed, waxaana wada Puntland iyo Somaliland, waxaana loo baahan yahay in wax laga qabto," ayuu yiri Prof. Galaydh mar uu saxaafadda kula hadlayey Buuhoodle.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Sool, Yaasiin Maxamed Shidde ayaa sheegay in ay ciidamada Puntland oo wata Gaadiidka Dagaalka ay xasuuq ka geysteen Tuulada Qoriley.

"Waxaan u diray ciidammo kuwa Qaranka ah oo Gaaay Degaanda Karin iyo Qoriley, uma aanan dirin Ciidankayaga inay wax Laayaan sida kuwa Puntland; Laakiinse Haddii ay soo weeraraan faraha laaban maayaan ee way dagaalamayaan," ayuu yiri Guddoomiyaha Sool oo Waqtigaas ku sugnaa Burco.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar oo Salaaddii Ciidda ee Maanta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay ka xun yihiin Falalka ka dhacay Qoriley iyo Jalam; waxaanu sheegay inay yihiin kuwo ceeb ah.

"Haddii Nalagu eedaynayo maamul ahaan inaan ka Gaabinnay wax ka Qabashada hawshan ma ka gaabin ee waxaanu sugaynay xilli roobaadka, laakiin waxaa ka soo hor-maray wax aanan baajin karin; waxaana haatan tagay odayaal labada dhinac ah; maamul ahaana waanu ka daba-tagaynaa," ayuu yidhi Camey.

Dhinaca kale, Dhammaan Degmooyinka Gobollada Sool iyo Cayn ayaa maanta Salaaddii Ciidda laga soo jeediyey Baaq Colaad joojin ah; Waxaana ka mid ahaa Magaalooyinkaas Laascaanood, Buuhoodle, Xuddun, Taleex iyo Widh-widh.

Ugu dambeyn, Deegaannadii Colaaduhu ka Dhaceen iyo Deegaanno baahsan oo ku dhow ayaa Waxaa ka soconaya Barakac baaxad leh; iyadoo laga Cabsi Qabo in Duullaan kuwii Shalay oo kale ahi ay ka dhacaan iyadoo Deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Sool ay Ciidamada Somaliland Gaareen iyadoo laga cabsi qabo in kuwa Puntland u ruqaansadaan dhinacooda oo halkaas ka dilaacdo dagaal u dhexeeya labada maamul halkii dagaalku uu markii hore u dhexeeyay Malleeshiyo Beeleed.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool