4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2015
Boqollaal Xaaji oo Maanta Geeriyooday XAJKA iyadoo Boqolaal kale ay dhaawacmeen (Sawirro)


Khamiis, September 24, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 453 xujey ah ayaa maanta ku dhintay Xajka iyadoo ay ku dhaawacmeen 719 kale oo xujey ah, kuwaasoo Geeriyooday Minna, Xilli ay ku jireen dhagax-tuurka Sheydaanka.

Xujeydaan Geerida iyo dhaawucu ay soo gaareen ayaa Waxay ka mid ahaayeen Malaayiin xujey ah oo sanadkan gudanayay Xajka, waxaana tani ay noqonaysaa khasaarihii labaad oo ka dhaca Xajka Sannadkan.

Mas’uuliyiinta Saudi Arabia ayaa sheegay in 200 ruuxoo ka mid ah dadka ay soo gaareen dhaawacyada si dhaqso ah goobta loo qaaday lana dhigay isbitaallo si loo daweeyo.

Sidoo kale, wararka ayaa intqaas ku daraya in xujeydaan geeriyooday iyo dhaawacyada ay u dhasheen dalal kale duwan, iyadoo sidoo kale wariyeyaal ku sugan Xajka ay sheegeen in dadka dhintay intooda badan ay kasoo jeedaan dalka Niger oo Afrika ku yaalla iyo dalal ku yaalla Khaliijka Carabta.

KHASAARIHII KA DHACAY XAJKA SANNADIHII LASOO DHAAFAY;

1. Sannadkii 2006-dii Waxaa ku dhintay          360 oo Xujey ah
2. Sannadkii 1997-dii Waxaa ku dhintay         1,500 oo Xujey ah
3. Sannadkii 1994-tii Waxaa ku dhintay          270 oo Xujey ah
4. Sannadkii 1990-kii Waxaa ku dhintay         1,426 oo Xujey ah
5. Sannadkii 1984-kii Waxaa ku dhintay         400 oo Xujey ah

Ugu dambeyn, intii uusan billabaan Xajka Sannadkan ayaa Wiish kusoo dumay Xujey ku cibaadeysanayay Masjidka Xaramka ayaa waxaa ku dhintay boqol in ka badan, iyadoo ay ku dhaawacmeen boqolaal kale oo Xujey ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya