4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2015
Jaaliyadda Soomaalida ee Norrkoping ee Sweden oo u Dabaal-dagay Ciidul-Adxa (SAWIRRO)


Khamiis, September 24, 2015 (HOL) — Iyadoo maanta ay tahay maalintii ugu horreysa ee Munaasabada ciidul-Adxa ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Norrkoping ee dalka Sweden isugu soo baxeen goobo loo iclaamiye in lagu tukanayo Salaadda Ciidda, waxaana ka Qayb-galay Xildhibaanka Magaalada ee Matala Soomaalida, Culummo iyo Dadweyne fara badan.

Waxay dadweynihii ciidda u dabaal-dagay ay salaam u direen Madaxda Qaranka oo ugu horeeyo Madaxweyne, Xasan Sheikh, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha, Cumar C/rashiid iyo labada golo ee Dowladda iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u rajeeyay inay ku ciidaan nabad iyo baraare, Waxayna ALLE ka baryeen inuu dalkooda u nabadeeyo kana Qabto Cadowga la Damacsan dhagarta.

Jaaliyadda ayaa sheegtay in ay muhiim tahay midnimada shacabka Soomaliyeed iyagoo ku boorriyay dadka ku nool qurbaha dalka inay kaalmeeyaan shacabka ku nool gudaha dalka oo aan haysan tasiilaadka lagama maarmaanka u ah nolosha.

Ugu dameyn, waxaa magaalada aad looga dareemayaa maanta Munaasabada ciidda, iyadoo ay Jaaliyadda ka mid ahaayeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dabaal-dagay Daafaha Caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya