4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2015
Muslimiinta Dalka Kenya oo Si weyn u Ciiday xilli Maanta ay tahay Maalin Shaqo (SAWIRRO)


Khamiis, September 24, 2015 (HOL) — Muslimiinta Dalka Kenya ayaa Maanta si Weyn ugu Dabaal-dagay Musaasabadda Ciidul-Adxaa, iyadoo  dad weyne fara badan ay iskugu tageen fagaarayaasha waa weyn ee lagu tukada Salaadaha ciidda oo ku kala yaallo Nairobi, Mombasa, Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera.

Fagaaraha Sir Ali Muslim Club oo ku yaallo degmada Starehe ee magaalada Nairobi, ayaa waxaa iskugu yimid maanta boqolaal Muslimiin ah oo salaadii Ciidda uu ka bixiyay Sheekh Maxamed Cabdi (Umal), oo khudbadii Ciidda oga hadlay in umada Muslimiinta ah ay is walaashadaan oo ay ka fogaadaan wax kasto oo tafaraaruq ama kala qeybsanaan u keeni karo.

Ku xigeenka Chief Qaadiga Kenya Sheekh Rashiid Cali Cumar oo isagana Salaadii ciidda kadib kula hadlay Warbaahinta Barxada Sir Ali, ayaa ku eedeeyay xukuumadda Kenya in aynan maanta ka dhigin maalin Fasax guud ah Public Holiday madaama ay tahay maalintii koowaad ee Ciidda oo uu sheegay in ay fasax ahaan jirtay.

Sheekh Rashiid, ayaa intaas ku daray codsi uu u jeediyay golaha Baarlamaanka Kenya oo uu ka Dalbaday  in ay meel Mariyaan Sharciga fasaxa Maalmaha Ciidda u ogolaanaayo, dhamaan shacabka Kenyanka ah in ay ka joogaan shaqooyinkooda.

Kenya ayaa maanta looga dabaal dagayaa munaasabada Ciidul-Adxaa xili dowladu aynan ku dhawaaqin maanta in ay tahay maalin fasax ah, waxaana furan Xafiisyada dowlada iyo goobaha shaqada qaarkoodna, iyadoona Bulshooyinka aanan Muslimiinta aheyn ee ku dhaqan Kenya ay maanta u tahay maalin shaqo.

Dhanka kale, Gobollada Muslimiintu ay ka dagaan Kenya ee Waqooyi bari iyo Gobolka xeebta dalka Kenya, ayaa iyaga maanta  si weyn looga dareemay damaashaadka Ciidda, waxaana dadweyne aad u tiri badan ay  iskugu soo baxeen magaalooyinka Gaarisa, Wajeer, Mandheera iyo Mombasa, kuwaasoo iskugu hambalyeynaayay munaasabada ciidul Adxaa. 

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya