4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2015
Munaasabada Ciidul -Adxa oo si weyn looga Dabal-dagay Magaalada Beledweyne [SAWIRRO]


Khamiis, September 24, 2015 (HOL) — Iyadoo Maanta Dunida Muslimka looga Dabaal-dagayo munaasabad ciidul-Adxa, ayaa siddoo kale gobollada dalka Somalia waxaa si weyn looga xusay maalintan ku weyn shacuubta muslimka meel kastoo ay joogaan.

Degmada Beledweyne ayaa ka mid ah Gobollada dalka ee laga maamuusay munaasbaada ciida,waxaana ay dad-weynuhu subaxnimadii hore ee saakay labada ragco ee salaada ku oogeen masaajidda kala gadisan ee magaalada Baladweyne, iyadoo intaa kaddibna dadku isku mar-xabeynayeen ''Kulu-Caam-Wa-Antum Bikheyr'' iyo ciid-wanaagsan.

Caruurta ayaa maanta oo kale siweyn u muujiya farxad iyo reyn-reyn, waxaana la arkayaa iyaga oo hadba dhinac u gooshaya xaafaddaha magaalada ka kooban tahay, qeybna ka qaanaya fantisyaha lagu maamuusayo maalinta ciida.

Qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ayaa Hambalyo iyo bogaadin u dirray dhamaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan oo ay u rajeeyeen in sanadkan kiisa kale ku gaaraan nabad iyo baraare.

Ugu danbeyntii, Bahda Hiiraan Online ayaa dhinacooda ugu hambalyeeynaya muslimiinta guud ahaan iyo bulshada Soomaaliyeed munaasabada ciidul-adxa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya