4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2015
Muqdisho oo laga ciiday iyo Madaxda Dalka oo Shacabka kula tukaday Masjidka Isbahaysiga (SAWIRRO)


Khamiis, September 24, 2015 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa Maanta looga Ciiday si weyn, iydaoo shacabka iyo madaxda Waddanka ay kuwada Tukadeen Masjidka Isbahaysiga Islaamka oo ku dhow Madaxtooyada.

Amniga Masjidka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo hareeraha masjidka ay joogeen ciidammo isugu jiray Somalia iyo kuwa AMISOM, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddooomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ay Salaada kaddib la hadleen Bulshadii Masjidkaas isugu timid.

Xasan Sheekh ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay is-cafiyaan, sidoo kalena ay is-gargaaraan, isagoo sheegay in haddii aan gacmaha la is-qabsan aan la gaari karin ujeedooyinka la higsanayo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka FS ayaa isagana la hadlay shacabka, isagoo ka dalbaday inay ka shaqeeyaan deggenaashaha iyo horumarka dalkooda, ayna ogaadaan in Ummad walba ay horumar ku gaarto iskaashi iyo wax-wada-qabsi.

Sidoo kale, Degmooyinka Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayay Carruurr badan oo ciidaya, iyadoo dadkuna ay ku tukanayeen goobo gaar ah oo loo cayimay, iyagoo isugu jiray rag iyo dumar.

Dhanka kale, Inta badan Xaafadaha Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa dad si koox-koox ah u taagan, kuwaasoo isugu yimid udxiyooyin ay dadka Qaar ka mid ah ku gowracayeen guryahooda, iyadoo ciiddan inta badan loo yaqaanno ciiddii gowraca.

Ugu dambeyn, Gobollada Dalka ayaa iyagana laga ciidayaa Maanta, iyadoo ay dadku isugu soo baxeen Waddooyinka iyo Goobaha Barxadaha ah Halkaasoo ay ku Tukanayeen, kuna muujinayeen farxadda maalinta ciidda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya