4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2015
Abwaan Taban-Taabo oo Xanuun dartiis ugu Geeriyooday Magaalada Muqdisho


Khamiis, September 24, 2015 (HOL) — Allaha u naxariistee waxaa xalay Degmada War-dhiigley ee Gobolka Banaadir ku Geeriyooday Abwaan Maxamed Warsame Jaamac oo ku magac-dheeraa [Taban-taabo] kana mid ahaa Abwaannada Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugnaa Sannadihii ay colaaduhu socdeen.

Abwaanka ayaa Maxamed Warsame Jaamac Taban-Taabo oo muddooyinkan uu Xanuun yahay ayaa xalay ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla degmada Wardhiigley; iyadoo lagu wado in maanta lagu aaso Muqdisho.

“Marxuum Taban-taabo Wuxuu u Geeriyooday Xanuunka Macaanka ama Sokorowga oo uu muddo la xanuunsanaa,” ayay warbaahinta u sheegeen Ehellada Marxuumka, waxaana uu ka mid ahaa abwaannada sida weyn looga yaqaanno Soomaaliya oo dhan.

Sidoo kale, abwaanka ayaa curiyay heeso fara badan oo isugu jira kuwo jacayl ah iyo kuwo waddani ah, isagoo intii uu noolaa si aad ah ugu guubaabin jiray shacabka Soomaaliyeed inay ka tagaan Qabyaalladda oo ay ka shaqeeyaan sidii dalku uu nabad ku nqoon lahaa.

Ugu dambeyn, Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo ehellada marxuum Taban-taabo, iyagoo EEBBE uga baryeen Janno iyo naxariis.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya