4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2015
Dibadbax looga horjeedo Magacaabista Guddiga farsamada oo Beledweyne ka dhacay (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 31, 2015 (HOL) — Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeeday wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya iyo guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, ayaa barqannimadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne.

Bannaanbaxan oo ahaa mid shacabka iskood isku abaabuleen ayaa waxaa ka qeyb-galay siyaasiyiin, odayaal dhaqameed, waxgarad, dhalinyarro iyo haween, kuwaa oo siweyn uga soo horjeestay magacaabista guddiga farsamada oo ka kooban 14 xubnood, iyaga oo ku eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha cadaawad uu ka dhax-abuurayo bulshada ku wadda-dhaqan gobolka.

Odayaashii iyo qeybihii bulshada oo hadallo isku dhaw-dhaw ka jeediyay dibad-baxa ayaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia C/raxmaan Xuseen Odawaa u isticmaalayo wasaarrada iyo mas'uuliyada uu hayo sidda ay hadalka u dhigeen iska horkeen bulsho, kaddib markii uu si ula kac ah u baal-maray habka awood qeybsiga beelaha oo ah nidaamka ay ku dhisan tahay dowladda federaalka, waa sidda ay dibadbaxayaashu sheegeen.

Sidoo kale, odayaasha qaarkood oo si gaar ah ula hadllay HOL, ayaa sheegay in tallaabada  wasiirka ay u arkayaan mid aan u faa'ideyneynin dhismaha maamulka labada gobol, laakiin taa badalkeed tahay mid soo dadajin karta go'aan rasmi ah oo ay ka qaataan arrintan dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia ayaa wareegto ku magacabay guddiga farsamada dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, isagoo sheegay in guddigan uu latashi kala sameeyay madaxweynaha, ra'iisal wasaaraha iyo saxiixayaashii dhismaha maamulka labada gobol.

Goobaha bulshada ku kulmaan ee magaalada Beledweyne ayaa maanta inta badan dadku su'aalo iska weydiinayeen magacaabista guddiga iyo habka loo maray saami-qeybsiga, madaama la sheegay in ay jiraan beello xitaa aan ka soo dhax-muuqan magacaabistan, kuwaa oo laftirkooda dibadbaxii maanta qeyb ka ahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya