4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2015
Wasiirka Maaliyada Somalia oo Furay Shir ay ka Qayb-galeen W. Maaliyadda Maamullada Dalka


Sabti, Oktoobar 31, 2015 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim [Fargeeti] ayaa maanta Muqdisho ka furay shirweyne ay ka qayb-galayaan wasiirrada maaliyadda maamul-goboleedyada dalka, kaasoo looga arrinsanayo sidii loo wada-shaqayn lahaa, la isuna dhaafsan lahaa xogaha ku aaddan arrimaha maaliyadda dalka.

Fageeti oo furitaankii shirka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kulankan kii ka horreeyay uu ka dhacay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo shirkanna uu yahay mid is-xog-dhaafsi ah.

“Waxaan u mahad-celinayaa wasiirrada maamul-goboleedyada waddanka ka jira oo ajiibay martiqaadka dowladda, ujeeddaduna ay tahay inaan muujino waajibka  innaga wada-saaran shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan,” ayuu yiri wasiirka maaliyada Somalia.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay inta uu socdo kulankaan in laga doodi doono qaabka ugu habboon ee loo wanaajin karo hanaanka maaliyadda dalka, iyadoona wasiirka maaliyadda Fargeeti uu tilmaamay inuu rajo-weyn ka qabo inay shirkan ay kasoo baxaan qodobo wax-ku-ool ah.

“Maanta waxaan aad ugu kalsoonahay, una soo dhaweynyaa kulankan oo aan filayo wax badan inaan uga doodi doono; ayna kasoo bixaan go’aanno wax-ku-ool ah. Ka dowlad ahaan, waxaan mar walba naga go’an inaan gacan ka geysanno horumarka bulshada,” ayuu wasiirku mar kale yiri.

Ugu dambeyn, wasiirada maamul-goboleedyadda dalka ayaa dhamaantood soo dhaweeyay dhankooda shirkan, iyagoo ku tilmaamay mid wax weyn ka taraya sidii la isaga kaashan lahaa dajinta miisaaniyadaha, isku-xirka canshuuraha dalka iyo ka faa’iideysiga mashruuca maamulka maareynta maaliyadda (PFM) oo hadda ka hir-galay gobollada dalka qaarkood, iyo sidii loo gaarsiin lahaa gobolada dhiman.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya