4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2015
Dowladda Mareykanka oo sheegtay in Burundi ay ka Saarayso Qaanuunnada Ganacsi ee AFRIKA


Sabti, Oktoobar 31, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka Barack H. Obama ayaa sheegay in xukuumadda Burundi inaysan sameyn horumar ku aaddan dhanka sharciyada, ayna ka saari doonaan barnaamijyada ganacsi ee uu la leeyahay dalalka Qaaradda Afrika.

Dalalka Afrika waxaa ka jira horumar iyo fursado dhanka ganacsiga ah, gaar ahaan kuwa ka hooseeya saxarada, kuwaasoo Mareykanka looga dhoofiyo alaabooyin fara badan.

Obama ayaa warqad uu u diray xildhibaannada Mareykanka ayuu ku sheegay in Burundi ay ka jiraan xaalado siyaasadeed oo aan wanaagsanayn, kuwaasoo ay ku jiraan weerarro lagu hayo xubnaha mucaaradka iyo dilal qorsheysan oo loo geysto; taasoo uu ku sheegay inay tahay sababta uu u go’aansaday in laga saaro Burundi qaanuunka ganacsi ee Afrika.

Barack Obama ayaa qoraalkiisa ku xusay in dalka Burundi 01-da Jannaayo 2016-ka, laga saari doono qaanuunka ganacsi ee Qaaradda Afrika, gaar ahaan ganacsiga Mareykanka uu la leeyahay waddamada Afrika.

Xukuumadda Burundi ayaa la sheegay inay sidoo kale joojisay kulammada ay yeelanayaan xubnaha xisbiyada mucaaradka dalkaas iyo ururrada bulshada; taasoo ay uga hortagayaan ololahooda ka dhanka ah xukuumadda Burundi.

Rabshadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Burundi ayaa billowday bishii Abriil ee 2015-ka, markaasoo madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza uu go’aansaday inuu u tartamo mar saddexaad xilka madaxweynenio ee dalkiisa, taasoo uu ku guuleystay.

Dhanka kale, xiisadaha siyaasadeed ee Burundi ka aloosan ayaa waxaa natooda ku waayay boqolaal qof oo isugu jira shacab, ciidammo iyo xubno mucaaradka ka tirsan; iyadoo tiro kale oo fara badanna ay ku dhaawacmeen.

Ugu dambeyn, waxaa dalka Burundi ka barakacay in ka badan 200,000 oo qof kuwaa oo ka baqdin qaba in dhibaatooyin ay kasoo gaaraan colaadaha dalkaas ka socda, iyagoo magan-galyo ahaan u galay dalalka dariska ah oo Rwanda ay ka mid tahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya