4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2015
Chelsea iyo Liverpool oo Galabta isku hardinaya Ciyaar Adag oo ka Tirsan Horyaalka Ingiriiska


Sabti, Oktoobar 31, 2015 (HOL) — Naadiyada Chelsea iyo Liverpool oo kooxaha heerka 1-aad ee horyaalka Ingiriiska ee Premier League kawada tirsan, ayaa galabta waxay isaga hor-imaan doonaan ciyaar adag oo ka dhacaysa garoonka Stamford Bridge ee Chelsea.

Ciyaartaan oo ah mid aad loo wada sugayaayo, ayaa waxey ku soo beegmeysaa xilli labada kooxood ay natiijo xumi la kulmeen xilli ciyaareedkaan, isla markaasna marar kala duwan laga badiyay.

Kooxda Chelsea oo ah mida difaacaneyso horyaalka, ayaa hadda waxey ku jirtaa kaalinta 15-naad ee xaga kala sareynta. Waxaana cadaadis badan uu saaran yahay Macallinka kooxdaas Jose Mourinho oo taageerayaasha Blues ay ku dhaliileen qaabka uu hadda kooxda ku wado.

Dhanka kale Kooxda Liverpool oo iyadana ku jirto kaalinta 9, ayaa guul darooyin ay la kulantay, waxey sababeen in la cayriyay Tababarihii hore ee kooxdaas Brendan Rodgers. Bedelkiisana Macallin looga dhigay Liverpool, Jurgen Klopp oo ahaa tababarihii hore ee kooxda Borussia Dortmund.

Kulanka maanta, ayaa noqonaayo sidoo kale kii ugu horeeyay ee Jose Mourinho iyo Jurgen Klopp oo lagu kala naaneyso “Special One” iyo “Normal One”ay iskaga horyimaadaan Premier league inkastoo labadoodu ay ku kulmeen horyaalka naadiyaasha Yurub ee loo yaqaano Champions League muddo afar mar ah sannadihii 2012 iyo 2013-kii. Xilligaasoo ay kala hogaaminayeen kooxaha Borussia Dortmund (Germany) iyo Real Madrid (Spain).

Labo kamid ahaa kulamadaas waxaa badiyay Kooxda Borussia Dortmund oo uu macallin u ahaa Jurgen Klopp. Hal kulana waxaa raysay kooxda Real Madrid oo Jose Mourinho uu laylinaayay halka kulanka kalana ay bareejo galeen.

Shirar jaraa’id oo ay qabteen labada Macallin ciyaartooda maanta ka hor, waxey isku jeediyeen amaan, waxaana tababaraha kooxda Reds Klopp, afartii kulan ee kooxdiisa uu la joogay ay ahaayeen kuwa aanan laga badinin, iyadoona saddex kamid ah ay bareejo galeen halka kulanka kalana ay badiyeen.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya