4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2015
Xoogagga Al-shabaab oo Weeraray Deegaanno ku dhow Degmada Xudur ee Gobolka Bakool


Sabti, Oktoobar 31, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 40-kalena way ku dhaawacmeen weerarro ay aroornimadii hore ee saakay ku qaadday Al-shabaab saldhigyo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda ku leeyihiin deegaanno ka tirsan gobolka Bakool.

Dagaalladan oo ahaa kuwo culus ayaa la sheegayaa in dhinacyadu ay isku adeegsadeen hub noocyadiisa kala duwan, iyadoo dhammaan dadkii ku dhintay dagaalladan iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay ay ahaayeen dhinacyadii dagaallmayay.

Guddoomiyaha gobolka Bakool, Maxamed Macallin oo la hadlayay warbaahinta isagoo ku sugan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa sheegay inay dagaalkaas ku dileen dagaalladan 52 qof ka tirsan Al-shabaab ee Somalia, ayna kaga dhaawaceen tiro intaas ka badan.

“Al-shabaab ayaa saakay soo weerartay deegaannada Garas-weyne iyo Mooro-gaabey oo ka tirsan gobolka Bakool, waxaana halkaas lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, dhankeenna khasaare ayaa naga soo saartay dagaalladan,” ayuu yiri Maxamed Macallin.

Sidoo kale, guddoomiyhuhu wuxuu xusay in dhankooda looga dilay dagaalka shan askari, toban kalena dhaawacyo ay kasoo gaareen, ayna iyagu hadda ku sugan yihiin deegaannadii lagu dagaallamay.

Maxamed Macallin oo la weydiiyay in ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ay kasoo gaartay khasaare dagaalladan iyo in kale, ayuu sheegay inuusan ogeyn khasaaraha kasoo gaaray dagaalladan, balse ciidamadooda iyo kuwa AMISOM ay dagaalka kuwada jireen.

Dhanka kale, Al-shabaab oo si kooban uga hadashay dagaallada ayaa iyaduna sheegtay in weerarrada ay ku qaadeen deegaannada Mooro-gaabey iyo Garas-weyne ay ku qabsadeen labadaas deegaan oo ku dhow degmada Xudur.

Ugu dambeyn, Al-shabaab weli kama aysan hadlin khasaaraha dagaalladaas kasoo gaaray iyo midka ay u geysatay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Itoobiya ka socda ee ay kula dagaalameen duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo ku sugan deegaanka ayaa sheegaey inay arkeen 15-qof oo dhimasho ah, kuwaasoo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay, iyagoo intaas ku daray in dhaawacyadu ay  kor u dhaafayaan afartameeyo qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya