4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2015
Diyaarad siday 224-qof oo Ruush ah oo Maanta ku dhacday Gacanka Siinaay ee Dalka Masar


Sabti, Oktoobar 31, 2015 (HOL) — Diyaarad laga leeyahay waddanka Ruushka oo sidday rakaab tiadooda lagu sheegay 224-qof ayaa ku burburtay Sabtida manta ah Siinaay oo ku taalla Waqooyiga dalka Masar, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Masar.

Warbaahinta dalka Ruushka ayaa iyaguna baahiyay in khadka diyaaradda uu lumay kaddib markii duuliyuhu uu sheegay inuu ku caga-dhiganayo garoonka ugu dhow ee uu awoodi karo, markaas kaddibna aan laga helin wax war ah diyaaradda.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ku dhacday dhul buuraley ah oo ku yaalla Siinaay, Masar, iyadoo shaqaale caafimaad iyo 50-gaadiidka o o kuwa gurmadka deg-degga ah loo diray goobtaas, inkastoo la sheegay inay aad u adag tahay in la gaaro.

“Diyaaraddu waxay ku dhacday waqooyiga gobolka Siinaay, gaar ahaan Housna oo 300-km u jirta magaalada Sharm el-Sheikh ee Masar, sida laga soo xigtay xafiiska ra’iisul wasaaraha Masar.

Rakaabka diyaaradda saarnaa ayaa la sheegay inay isugu jireen 217 rakaab ah iyo 17-qof oo ahaa shaqaalihii diyaaradda; mana jiraan cid ka badbaaday oo illaa hadda la sheegay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaaradda ay ka duushay magaalada Sharm el-Sheikh ayna kusii jeedday magaalada St. Petersburg ee waddanka Ruushka, iyadoo la sheegay in rakaabkii saarnaa ay intooda badan ahaayeen dalxiisayaal Ruusha ah.

Dhanka kale, shaqaalaha duulimaadyada rayidka ah ee dalka Masar ayaa iyana sheegay in xiriirka diyaaradda uu lumay 23-daqiiqo kaddib markii ay ka duushay garoonka Sharm el-Sheikh.

Ugu dambeyn, diyaaradda ayaa nooceeda lagu sheegay; Airbus 321, waxaana inta badan loo yaqaannaa Metrojet, iyadoo la sheegay in xilliga xiriirkeedu uu go’ayay ay cilimadu ahayd mid wanaagsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya