4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2015
MADAXWEYNE XASAN: Diyaaraddii ku dhacday Gobolka Shabeellada Hoose waan Baaraynaa


Sabti, Oktoobar 31, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisu ay baarayso burburkii diyaaraddii toddobaadkii hore ku dhacday deegaanka Cismaan Durre ee gobolka Shabeellada Hoose.

Xasan Sheekh oo la hadlayay idaacadda VOA-da laateeda af Soomaaliya ayaa sheegay in diyaaraddu ay ku dhacday deegaan ay maamusho Al-shabaab ayna u maleynayaan inay shaqaalihii diyaaraddaas iyagu afduub ku qabsadeen.

Diyaaraddan oo ka diiwaan-gashan Kenya ayaa la sheegay inay ahayd mid u kireysan qan-daraalayaal dhanka amniga ah oo ka ka shaqeeya Somalia, iyadoo ku socoday xilliga ay dhacaysay garoonka diyaaradaha Balli-doogle oo ku yaalla gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ay diyaaraddu ku dhacday ayaa sheegay in xilliga ay diyaaraddu dhacaysay ay socdeen roobab xoog badan, iyadoo markii dambena ku dhacday deegaanka Cismaan Durre oo qiyaastii 40-km Muqdisho u jira.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen 12-shaqaale ah oo la socday diyaaraddan dhacday, kuwaasoo aan illaa hadda la ogeyn waddamada ay u dhasheen, welina Al-shabaab wax war ah kama soo saarin arrintan.

Ugu dambeyn, diyaaraddan oo kasoo duushay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa noqonays diyaaraddii labaad oo bishan gudaheed ku dhacday gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo horraantii bishan ay ku dhacday dulleedka degmada Afgooye diyaarad cunno u sidday AMISOM oo laga leeyahay Masar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya