4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 30, 2015
Bangiga Adduunka oo wada qorshe Xawaaladaha Somalia looga Qaadayo Xayiraadaha Saaran


Jimco, Oktoobar 30, 2015 (HOL) — Bangiga Adduunka ayaa markii ugu horreyay qaaday tallaabooyin xayiraadda looga qaadayo xawaaladaha Soomaaliya, si loo xaqiijiyo inay dib u shaqo billaabaan xawaaladaha oo ah isha keliya ee dhaqaalaha loosoo mariyo shacabka Soomaaliyeed ee gudaha ku nool.

Agaasimaha gobolka Bariga Afrika ee Bangiga Adduunka, Bella Bird ayaa sheegtay inay xawaaladaha Soomaaliya shaqo adag u hayaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo xustay in tuhunka la xiriira inay xawaaladaha isticmaalaan kooxaha argagixisada ah ay timid markii ay meesha ka baxeen awooddii bangiyada Soomaaliya.

“Waxaa muhiim ah inaan qaadno tallaabo lagu hubinayo lacagta Soomaaliya ku socoda iyo weliba ganacsiga,” ayay tiri Balle Bird oo war-fidiyeenka kula hadlaysay xarunta Kenya ee Nairobi.

Sidoo kale, Bird waxay intaas ku dartay inay wadaan qorshayaal lagu xoojinayo bangiga dhexe ee Soomaaliya, si meesha uga baxaan shakiyada la gelinayo lacagta lasoo mariyo Xawaaladaha Soomaalidu leedahay.

Sidoo kale, Bird ayaa sheegtay in qorshaha kale ee ay wadaan uu yahay sidii loo sameyn lahaa wakaalad hubin doonta lacagaha Soomaaliya dibadda uga imaanaya, si kalsooni loo abuuro, maadaama lacagaha dibaddaha laga soo diro Somalia ay sannadkii gaarayaan hal bilyan oo doollar.

Ugu dabmeyn, Soomaali fara badan ayaa ku tiirsan lacagaha ay u soo diraan ehelladooda ku nool yihiin ee dalka dibaddiisa ku dhaqan, kuwaasoo lasoo marsiiyo Xawaaladaha ka howl-gala dalalka galbeedka, kuwaasoo culeysyo la kulmayay sannadihii lasoo dhaafay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya