4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 30, 2015
Xisbi cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Shacabka Geeska Afrika oo Xisbiyada jira kusoo biiray


Jimco, Oktoobar 30, 2015 (HOL) — Iyadoo xilliyadii dambe ay soo badanayeen xisbiyada siyaasadeed ee doonaya inay ka qayb-galaan doorashada sannadka 2016-ka dalka ka dhici doonta, ayaa magaalada Oslo ee waddanka Norway waxaa looga dhawaaqay xisbi cusub oo siyaasadeed ooo loogu magac-daray xisbiga Shacabka Geeska Afrka ee Soomaaliya.

Suldaan Bashiir Sh. Maxamed Geele oo ka hadlayay xisbigan cusub ayuu yiri. “Xisbigaan waa mid siyaasadeed oo la aas-aasay 23-kii Oktoobar, 2015-ka, wuxuu  ka qayb-galayaa doorashada sanadka 2016-ka ka dhacaysa Somalia. Xisbigaan waa mid aan ku shaqeyneyn qabiil, waxaana dadka Soomaaliyeed u sheegaynaa meel kasta oo ay joogaan in xisbiga Shacabka Geeska Afrika ee Soomaaliya inay ka qayb-qaataan dhismihiisa, isla markaana kusoo biiraan.”

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Guddoomiyaha guddiga fulinta xisbiga Shacabka Geeska Afrika waa, Haabiil Cabdi Haybe isaga ayaana ah musharaxa xisbigaan uga qayb-galaya doorashada madaxweynenimo ee Somalia sannadka 2016-ka. Aniga waxaan ahay xubin ka tirsan xisbiga, waxaana bulshada Soomaaliyeed u sheegayaa in xisbigaani soo dhaweynayo cid walba oo doonaysa inay xubin ka noqoto.”

Wuxuu sidoo kale, Sudaan Bashiir intaas ku daray in xisbiga siyaasaddiisu ay ku dhisan tahay nabad-galyo am xasillooni, iyadoo la ilaalinayo horumarka dalka iyo wanaaggiisa.

Siyaasada dhaqaalaha dalka mar uu ka hadlay ayuu Suldaanku sheegay inuu ka shaqeynayo xisbigu in dhaqaalaha dalka la hagaajiyo si dalku uga baxo dagaaladii sokeeye ee muddada dheer soo jiitamayay, sababta keentey inuu dalku galo dagaallo sokeeye ayuu ku sheegay inaan waxba la isku ogoleyn, sidaas darteed waa in wax la isku ogolaado oo ay timaado sinnaan iyo cadaalad, walaanimo iyo is jaceyl in meesha laga saaro is-kooxeysiga iyo qabyaaladda ee la doonayo in muruq ku qaataan dhaqaalaha dalka taas ayuuna xisbigani ka hor-tagayaa.

“Xisbiga ujeedkiisu waa in la abuuro shaqo, si loo joojiyo dhallinyarada ku dhammaanaya badaha iyo saxaraha. Xilligii ay dowladdu ka jirtay Somalia, 90% waxay ku tiirsanaayeen mushaar dowladeed, waxaa la ogyahay in waxbarashada ahayd lacag la'aan, sidaa darteed qofka dhameysta waxbarashada wuu ogaa halka uu tiigsanayo; marka wuxuu xisbigaani xoogga saari doonaa dhinaca nabad-galyada,“ ayuu mar kale yiri Ugaas Bashiir.

Dhanka kale, Suldaan Bashiir ayaa mar kale yiri. “Waa ayaan-darro in maraakiib shisheeye ay iska guranayaan khayraadkii badda, iyadoo shacabkeennu ay baahi u dhammaanayaan, taasina waxaa keenay cadaalad-darrada dalka ka jirta, colaadaha sokeeye iyo mushkiladaha aan xalka loo helin. Haddaba Xisbiga Geeska Afrika wuxuu doonayaa inuu dib u heshisiin rasmi ah dhex-dhigo dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaanan soo dhaweyneynaa shariciga federaalka ah, xisbigana taas ayuu ku shaqeynayaa.“

Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay Suldaan Bashiir arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah, isagoo yiri. “Waxaan doonayna inaan horumarino oo aan wanaajinno xiriirka dibadda, annagoo la jaan-qaadayna caalamka cusub iyo arrimaha maanta taagan, waxaanan xoogga saari doonnaa dib u soo nooleynta xiriirkii aan la lahayn ururrada Caalamiga ah oo ay ka mid yihiin; Qaramada Midoobay, Carabta, Islaamka iyo Midowga afrika.

Suldaan Bashiir, ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay, Xisbigu waxaa ka go’an inuu dib u habeyn ku sameeyo qaybihii kala duwanaa ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, si ay u difaacaan xuduudaha dalka, bad, barri iyo cirba. Sidoo kale waxaan dalka ka dhigaynaa midka ugu fiiso adag caalamka, waxaan soo sameynaynaa lacag si aanu soo nooleyno shillinka Soomaaliga, waxaan joojinaynaa cunnooyinka iyo daawooyinka dhacay ee dalka la keenayo.

HADDABA: Hoose ka Daawo sababaha iyo ujeeddooyinka Xisbigan loo aas-aasay;
https://drive.google.com/file/d/0B9CPZqHJoZ89UUJHc0tPa25zd0k/view?pli=1.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya