4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 30, 2015
SOUTH AFRICA: Soomaaliya oo ka Qayb-galaysa Shirka 22-aad ee Africa Oil Week (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 30, 2015 (HOL) — Shirka 22-aad ee Africa Oil Week oo ka socda Cape-town, Koonfur Afrika, iyadoo shirkan ay ka qayb-galayaan ku dhawaad 2,000 oo wafdi oo ka kala socda caalamka kuwaas oo ay Soomaaliya ku jirto.

Wasiirka macdanta iyo batroolka Somalia, Maxamed Mukhtaar oo hoggaaminaya wafdiga ka socda dowladda federaalka Somalia ayaa ka qayb-galaya shirkan, iyadoo waxyaabaha shirka looga hadlayo ay mid yihiin; sidii waddamada Afrika ay ugu faa’iideysan lahaayeen kheyraadka dhulka iyo badda, waxaana sidoo kale shirkaan ka qayb-galaya shirkadaha ka shaqeeya shidaalka.

Sidoo kale, wasiirka macdanta iyo batroolka Somalia oo khudbad ka jeediyay shirka Africa Oil Week ayaa ka warbixiyay xaaladda Soomaaliya ee dhinaca shidaalka iyo halka ay wax marayaan iyo sidii ay Somalia ugu faa’iideysan lahayd shidaalka ka buuxa waddankeeda, wuxuuna xusay in haatan waddamada dariska la ah Somalia sida Kenya iyo Itoobiya ay haatan billaabeen inay shidaal soo saaraan, tan badalkeedana ay Soomaaliya dooneyso in dhulkeeda kasoo saarato shidaal ku filan si looga maarmo kaalmada ugu timaadda dalalka caalamka, xilli Soomaaliya ay haatan kasoo baxday colaado muddo-dheer ay kusoo jirtay.

"Arrinka shidaal soo saarista Somalia iyo maareynta shidaalka iyo sidii looga faa’ii’deysan lahaaba waxaa si wadajir ah uga wada-hadli doona dadka Soomaaliyeed, dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada,” ayuu yiri wasiirka macdanta iyo batroolka Somalia, Maxamed Mukhtaar.

Ugu dambeyn, gaba-gabada shirkan sannadlaha ah ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobbo dhowr ah oo ku aaddan in waddan waliba oo ka tirsan Afrika uu ka faa’iideysto kheyraadka dhulkiisa, si Qaaraddu ay ugu maaranto mucaawinada ugu timaadda Caalamka, isla markaana Afrika ay noqoto Qaarad dhianc walba isaga filan.

Cumar Muxumed Maxamed (Cumar Kiyow )
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika