4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 30, 2015
Dayactirka Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne oo laga wada-hadlay (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 30, 2015 (HOL) — Kaddib kulan ballaaran oo ay ka qeyb-galleen, aqoon-yahanno iyo xubno matalayay ururada bulshada rayidka ayaa looga wada-hadlay dhismaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Airport ee magaalada Beledweyne.

Kulanka oo sidoo kale uu goob-joog ka ahaa Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, ayaa siweyn loogu lafa-guray dib-u-dhiska garoonka iyo sida ugu dhaqsiyaha badan ee wax looga qaban karo arintaa, iyadoo dhinacyadii ka hadlay oo dhan isla-garteen in ay jirto baahi weyn loo qabo dib-u-dhis mug leh oo lagu sameeyo garoonka Ugaas Khaliif.

“Dabcan haddii wadda-jir arrintan loogu istaago waxaa hubaal ah in wax weyn laga qaban karo dib-u-dhiska garoonka, gaar ahaan waa in aysan bulshada la sugin arrintan hay'addo caalami ah, laakiin waa in ay iyagu si iskaa wax u qabso ah uga shaqeeyaan, si gaar ah waxaan leeyahay ganacsatada waa ay door-weyn ka cayaaraan dhismaha garoonka'' ayuu yiri Max'ed C/llaahi Buuraalle Raaxeeye.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa xusay in dhibaatada hadda taagan ee wax ka qabadka u baahan aysan aheyn oo kaliya garoonka diyaaradaha, hasse ahaatee loo baahan yahay in bulshadu ka fikiraan siddii loo maareyn lahaa fatahaada inta badan uu sameeyo wabiga shabeelle, iyadoo xiligan waliba da'ayaan roobabkii deyrta, lagana sii digayo dabeylo iyo daa'dad ka dhalan kara.

“Shirkan iyo kulamada kale ee la midka ah aad baan u soo dhaweynayaa, haddii ay dadku midnimo iyo iskaashi muujiyaan wax badan ayeey qaban-karaan, garoonka ayaa dib u dhis lagu sameyn karaa, jidadka burbursan ee magaalada ayaa la hagaajin karaan, waliba xiligan waxaa jira roobab, dadka cabsi ayeey qabaa ah in wabigu fataho, arrimahaa oo dhan waxaa looga gudbi karaa iskaashi iyo in bulshadu is caawiso'' ayuu yiri Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa looga dhawaaqay guddi ka kooban 19-xubnood kuwaasoo diyaarin doonna shir ballaaran oo ay ka soo qeyb-galli doonaan, mas'uuliyiinta maamulka, saraakiisha AMISOM, ganacsatada iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta siddii dib-u-dhis loogu sameyn lahaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya