Kismaayo oo lagu qabtay xafladda daahfurka Tv-ga dowladda iyo xuska lawareegiddii Kismaayo
Sabti, Oktoobar 03, 2015 (HOL) —Ayadoo shalay ay ku beegneyd 3-guuradii kasoo wareegtay 2-da October oo ku asteeysan maalintii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si rasmi ah ula wareegeen magaalada Kismaayo ee xarunta goblka J/hoose ayaa waxa magaalada Kismaayo lagu qabtay xafladda loogu dabaaldegayay qabashadii Kismaayo iyo weliba daahfurka idaacad la iska arko ku hadli doonta afka dowlad goboleedka Jubbaland.
Xafladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxda ugu sareeysa ee Jubbaland, wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan Jubbaland. Waxaa sidoo kale xafladda kasoo qeybgalay xubno ka socday dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxdii kala duwanayd ee ka hadlay goobta ayaa ka taariikheeyay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay magaalada Kismaayo, iyagoo sidoo kale ballan qaaday in ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay ka fulin doonaan deegaanada ay weli gacanta ku hayaan Al-shabaab ee gobollada Jubbaland.
Agaasimaha Idaacadda la iska arko ee dowlad goboleedka Jubbaland C/naasir Cabdi Bashiir oo madasha hadal dheer ka jeediyay ayaa ka warbixiyay barnaamijta kala duwan ee ka bixi doona telefishinka, isagoo sheegay in tv-gu noqon doono mid ay iska dhex arkaan bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- SAWIRRO: Darwalada Mooto Bajaajta oo Maanta Bannaanbax Cabasho ah ka dhigay Muqdisho
- Dowlada Somalia oo sheegtay inaysan Kaalmo u baahnayn, balse ay u baahan tahay MAAL-GELIN
- Itoobiya oo shaacisay inay Sannadaha soo socda bilaabayso dhoofinta Gaaska Dabiiciga ah
- Bangiga Adduunka oo Muddo 5-sano ah bixinaya Mushaarka Dowladda iyo Maamul-Goboleedyada
- Xildhibaano Sharci-daro ku Tilmaamay Xarigii Laba Wariyeyaal ka Tirsan TV-ga UNIVERSAL
- Ururka SADC oo xaflad u Sameeyay Suxufiyiin ku guuleystay Abaalmarino kala duwan (SAWIRRO)
- Xoogag Taabacsan Al-shabaab oo la Wareegay Deegaanno ku yaalla Bartamaha Soomaaliya
- RW SOMALIA: Waxaan Dhisaynaa Ciidan Awood leh oo La-dagaallama Xoogagga Al-shabaab
- Wasiiraddii hore ee Shidaalka dalka Nigeria oo lagu Xiray Magaalada London ee Xarunta Britain
- Dugsiga Duulimaadka ee Internationl Pilot Academy (IPA) oo tababar maalin ah u qabtay Caruur Somali-Canadian ah (SAWIRO)
- Wariyeyaashii Universal Tv oo weli xiran iyo ururro Saxaafadeed oo cambaareeyay