Xiriirka kubada cagta Somalia oo loogu baaqay in ciyaartoyda ay kasoo xulaan Gobollada Dalka
Isniin, Oktoobar 12, 2015 (HOL) —Xiriirka kubadda cagta Jubbaland ayaa ugu baaqay maamulka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya in ciyaartooyda mataleeysa Soomaaliya laga soo xulo gobollada dalka, iyagoo sheegay in arintaasi ay keeni karto in Soomaaliya ay yeelato xul dhanka kubadda cagta ah oo awood leh.
Bishaar Cali Axmed (Kaata) oo ah macalinka xulalka sedexda gobol ee Jubbaland oo la hadlay shabakadda HOL ayaa ugu horeyn sheegay in uu aad uga xunyahay guuldarradii xulka qaranka Soomaaliya kasoo wajahday ciyaartii isreebreebka koobka aduunka ee ay la lahaayeen xulka dalka Niger taasoo looga badiyay 2-0.
Macalin Kaata ayaa sheegay in la doonayo in maamulka xiriirka kubadda cagta dalka Soomaalya ay ciyaartooyda kasoo xulaan gobollada dalka, arintaa oo uu xusay in ay horseedi karto guul laga gaaro dhanka isboortiga.
“Waxaa loo baahanyahay in xiriirka kubadda cagta Soomaaliya iyo maamulka xulka qaranka in ciyaartooyda ka qeybgaleeysa tartamada caalamka ee matalaya Soomaalya laga soo xuso guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya, tani waxay keeneeysaa in guul weyn uu gaaro xulka Soomaaliya,” ayuu macalinku hadalkiisii raaciyay.
Waxaa uu intaa ku daray in ciyaartooyda hadda matasha xulka Soomaaliya ay yihiin kuwo intooda badan laga soo xulay gobolka Banaadir, arintaa oo uu sheegay in ay tahay dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya ka heeysata dhanka Isboortiga.
Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa meesha ka baxay awooddii uu lahaa xulka kubadda cagta Soomaaliya, wallow imika dib loo yagleelay balse weli waxa ay dad badani aaminsanyihin in uu u baahanyahay in lagu sameeyo dib u habeyn intaa ka badan.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- FAAHFAAHIN: Diyaaraddii ku dhacday duleedka Afgooye oo u dhacday sabab dhanka Shidaalka ah
- WARBIXIN: Shacabka Soomaaliyeed kuma wada baraarugsana Xuska Maalinta Calanka Somalia
- SHARMA’ARKE: Calanka Jamhuuriyadu Wuxuu Metelaa Dadka Soomaaliyeed oo Dhan (Sawirro)
- Maxkamad Maanta Amartay in Xabsiga laga sii daayo Wiilasha Madaxweynihii hore ee Masar
- Hay’ada SWDC oo Maanta daah-furtay barnaamij lagu Caawinayo Haweenka Somalia (SAWIRRO)
- MADAXWEYNAHA SOMALIA: Ma jiro Qorshe la doonayo in wax looga bedelo calanka Soomaaliya
- Magaalada Nairobi oo Dhawaan lagu Qabanayo Toddobaadka Dhaqanka Somalia (SAWIRRO)
- Dadweyne Careysan oo maanta Gubay Guriga Taliyaha Booliiska Gobolka Awdal (SAWIRRO)
- Jaamacad loogu magacdaray ABRAAR oo kusoo biirtay Jaamacadaha ka jira Dalka (SAWIRRO)
- Safaarada Somalia ee South Afrika oo casuuntay xildhibaano Jabuutiyaan iyo Somali ah (Sawirro)
- Isbitaalka Kismaayo oo la dhigay 100 Ruux oo uu soo ritay cudurka shuban-biyoodka (SAWIRRO)
- Ardayda Dugsiyada Sare ee Waddanka Kenya oo maanta u fariisanaya Imtixaanadka Shahaadiga
- Xafiiskii Telefishinka Universal uu ku leeyahay Muqdisho oo loo fasaxay inuu howlihiisa sii wato
- Maamulka Puntland oo ka Hor-timid in Xayiraad lagu soo rogo Ganacsiga Shidaalka Soomaaliya
- Gabar Soomaali ah oo lagu kufsaday dalka Nauru oo la keenay Australia si ilmaha looga soo rido
