Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) —Maamulka Jubbaland ayaa maanta dhagaxdhigay mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Kismaayo, taasoo burbursanayd mudo aad u dheer islamarkaana ay adkeyd in ay isticmaalaan gaadiidka.
Wadadan oo dhererkeedu gaarayo ilaa 2.5 KM ayaa waxa ay kasoo bilaabataa halka loo yaqaan Isgoyska Qacle ee xaafadda Faanoole, waxa ayna ku egtahay isgoyska Olombik ee xaafadda Farjanno.
Xafladdii dhagaxdhigga ayaa waxaa kasoo qeybgalay madax ay kamid yihiin wasiir kuxigeenka wasaaradda gaadidka, boostada iyo isgaarsiinta Jubbaland Geelle Max’ed Aadan, gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid C/laahi Gooni, Gudoomiyaha degmada Mudane Ibraahim Max’ed Yuusuf (Timajilic) iyo weliba madaxda shirkadda fulineeysa dhismaha ee Dhasheeg.
Ugu horeyn waxaa goobta ka hadashay gudoomiyaha shirkadda Dhasheeg Marwo Khadro Bulxan Max’ed, waxa ay sheegtay in ay farxad u tahay in maanta ay bilaaban dhismaha wadada oo ah wado mudo aad u dheer burbursanayd.
Madaxa mashruuca dhismaha wadada C/casiis Cismaan Max’uud ayaa sheegay in howsha dhismaha wadada ay ka qeybqaadan doonaan ku dhawaad 200 oo shaqaale ah kuwaa oo uu xusay in ay ahaayeen dhalinyaro ay shaqo la’aan ku heysatay magaalada.
Madasha ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha gobolka iyo kan degmada Kismaayo, waxayna labaduba soo dhaweeyeen dhismaha wadadan oo ay ku tilmaameen tallaabo hore loo qaaday.
Ugu danbeyn wasiir kuxigeenka wasaaradda gaadiidka, boostada iyo isgaarsiinta Jubbaland Mudane Geelle Saliid ayaa dhagaxdhigay dhismaha wadada, isagoo sheegay in dhismaha wadadani uu qeyb ka yahay horumarka ka jira magaalada Kismaayo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Dhagaxdhig lagu sameeyay dhismaha mid kamid ah wadooyinka burbursan ee Kismaayo
More News
- Shirweyne looga hadlayo dib u eegista Dastuurka dalka oo Maanta ka furmay Muqdisho (SAWIRO)
- Muwaadiniin Somali ah oo ku dhintay duqeymo uu Sucuudigu ka geystay gudaha dalka Yemen
- WARAN-CADDE: Ciddii Qal-qal gelisa Nabadda Somaliland fartay dhexda ka qaniini doontaa
- Col. Yaroow oo ka jawaabay Warbixin la xiriirta Toogashada oo kasoo baxday Midowga Yurub
- Guddiga Isku-dhafka ciidanka xoogga dalka oo maanta gaaray Degmada Baydhabo (SAWIRRO)
- FAAHFAAHIN: Qodobbadii looga hadlay Shirkii Mooshinka Madaxweynaha Somalia laga keenay
- Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay Qorshaha Kenya ay isku Hor-taagayso dacwadda Badda
- Madaxweynaha Puntland oo Maanta ka Hadlay Safar uu ku Tagay Dalka Kenya (SAWIRRO)
- TURKIGA: Qaraxyo Khasaare badan geystay oo ka dhacay Fagaare ku yaalla Magaalada Ankara
- YUUSUF GARAAD: Dalka Kenya Xalka Muranka Soohdinta Baddu waa Wadahadal (WARBIXIN)
- Shirkii looga hadlayay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia oo ka Furmay Muqdisho
- Jawaari oo sheegay inuu maanta furmayo Shirka looga xaajoonayo Mooshinka Madaxweynaha
- Midowga Yurub oo ka Dalbaday Dowladda Federaalka Somalia inay joojiso Ciqaabta Dilka