Guddiga hubinta liiska xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo Maanta soo saaray Go’aano


Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Guddiga Hubinta Liiska xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee dhawaan madaxweynaha Somaliland uu magacaabay, ayaa sheegay in aanay wax khalad ahi ku jirin liiska xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Guddigan ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada baaris ay sheegeen inay muddo shan cisho ah wadeen, isla markaana ay hubinayeen liiska xubanaha iyo sawiradoodda.

C/kariin Xinif oo ka mid ah guddida ayaa ku dhawaaqay,isla markaana ka tirsana garabka isbahaysiga musharaxiinta ayaa akhriyay nariijadii ay shanta maalmood soo baadhayeen, waxayna u qornayd sidan:

1. In haba-yaraatee liiska asalka ah ee 241-ka ah ee golaha dhexe aanay magacyadooda iyo sawirradooda wax khalad ah iyo wax isdaba marin ah midna aanay ku jirin;

2. Waxaa kale oo aanu go’aaminay in xildhibaan Maxamuud Ismaaciil Baande, xildhibaan, Maxamed Xuseen Xaaji Ciise, xIldhibaan Xasan Cawaale Caynaan, Xildhibaan Ibraahin Maxamed Haybe, wasiir Cali Sandulle iyo wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo xubno kale isku bedelay, maadaama la raacayo liiska golaha dhexe ee ku yaalla xafiiska Xeer-ilaalinta, Komishanka, inay xubin waliba siddeedii kaga mid ahaato Golaha Dhexe laguna beddeli karrin; sidaasna ay kilanka ku fadhiistaan kuna dhammeystaan, taasoo macnaheedu yahay isku beddelkaas waanu diidnay.

3. Xubnaha kala ah; Maxamed Axmed Aadan(Wali Xaawa), Maxamed Carraale Duur iyo Sheikh Maxamuud Xirsi oo geeriyooday Alle ha u naxariistee in iyagana jagadoodu sidaas ku bannaanaato.

4. In Xasan Nuur Abokor oo bedelay C/kariin Baande iyo Cabdillaahi Awdaan Maxamed oo beddelay Maxamed Yoonis Cawaale loo ogolaado inay ka Qayb-galaan Shirka Golaha dhexe, loona sameeyo kaararka xubinnimada maadaama qaabka loo soo bedelay waafaqsan yahay xeerka xisbiga Kulmiye.

Si kasta ha ahaatee, gudidan ayaa hore waxa u qaadacay isbahaysiga musharaxiinta afarta ah ee kala ah; Axmed Cabdi Kijaandhe, C/casiis Samaale, Max'ed Biixi Yoonis, musharaxa madaxweyne ku xigeen Faarax Cilmi Geedoole, kuwaas oo sheegay in aan lagu kalsoonaan Karin guddi uu soo magacaabay madaxweyne dhinac la safan.

Hase yeeshee illaa hada kama aysan hadal isbahaysiga musharaxiinta natiijadda guddidan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]                                
Hargeysa, Somaliland