4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2015
Wafdi uu Horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya oo booqasho ku tagay Dhadhaab (Sawirro)


Talaado, November 03, 2015 (HOL) — Wafdi uu horkacayay wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya, Joseph Ole Nkaissery ayaa maanta booqday xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya halkaasoo ay ku nool yihiin kumannaan qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya ee kasoo jeeda gobolka Waqooyi-bari-Kenya ayaa ka mid ahaa wafdiga maanta booqday xeryaha Dhadhaab-Kenya, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; Maxamed Dahiye Ducaalle, Ilyas Bare Shill iyo Cabdullaahi Diiriye Dhagalow, waxaa kaloo ka mid ahaa, guddoomiyaha Gaarisa, Nadif Jaama Aadan, madaxa amniga gobolka Waqooyi-beri, Maxamud Cali Saalax, wakiilka UNHCR ee Kenya iyo xubno kale.

Sidoo kale, wafdigan ayaa markii ay tageen xeryaha Dhadhaab waxay kulammo la qaateen mas’uuliyiinta xeryahaas, iyagoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen; amniga xeryaha oo ay wafdigu codsadeen inay ka shaqeynta ammaanka iyo ka hortagga kooxda Al-shabaab ee geysanaya falalka ka dhanka ah amniga.

Waxay kaloo kala hadleen dib u noqoshada qoxootiga halkaa ku nool, iyadoo wafdigu sheegeen inaysan jirin cid si khasab ah dalkooda loogu celinayo, ayna dib u noqoshadu tahay mid ka imaanaysa qoxootiga.

Dhanka kale, madaxda xeryaha ayaa iyaguna xusay inay xilli walba si gaar ah ula socdaan xaaladaha ka jira xeryaha Dhadhaab, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay inay ammaanka ka shaqeeyaan, gaar ahaan kan shacabka ku nool xeryaha Dhadhaab.

Ugu dambeyn, wafdiga ayaa ku wargeliyay madaxda xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya inay dhawaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab imaan doonan wafdi uu RW-ha Somalia Cumar C/rashiid horkacayo, kuwaasoo u kuur-geli doona xaaladda ay ku nool yihiin qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab-Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya