4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2015
SAWIRRO: Boko Haram oo sameysata Gantaalka loo isticmaalo Qoriga RPG-ga ama Baasuukaha


Talaado, November 03, 2015 (HOL) — Kooxda islaamiga ah ee Boko Haram oo Nigeria ka dagaallanta ayaa soo saaraty sawirro muujinaya warshad kuwa gantaallada sameeya ah oo ku taalla Waqooyi-bari dalka Nigeria.

Boko Haram ayaa si aad ah u isticmaasha qoriga RPG-ga ee loo yaqaanno baasuukaha, waxayna dad badan oo reer Nigeria ah is-weydiinayeen halka uu hubkaas uga yimaado kooxdan Isaamiga ah.

Sawirrada ay kooxdu soo bandhigtay ayaa waxay muujinayaan in qaar ka mid ah xubnaha kooxda ay farsamo ahaan garanaayaa sida loo sameysto hubka, iyadoo la aamisan yahay in sawirradan laga qaaday machad ku yaalla gobolka Borno; iyadoo lagu daabacay shabakado taageera Boko Haram.

Dadka oo falaqeeya arrimaha kooxaha Islaamiyiinta ah ayaa waxay sheegayaan in goobta gantaaladan lagu sameeyo ay u muuqato inay tahay gobolka Bama, oo ku taalla Waqooyi-bari Nigeria oo ah deegaan ay dhawaantan Boko Haram dib u qabsatay.

Sidoo kale, mid ka mid ah qalabka ay isticmaalayso kooxdan waxaa ka muuqda magac la soo gaabiyay oo ah dugsiga farsamada dowladda ee Bama (GTCB), iyadoo agabkaan loo maleynayo in dugsigaas ay siisay hay’ada Trust Fund sannadkii 2005-tii.

Dhanka kale, lama garanayo xilliga sawirradan la qaaday iyo in qalabkaan loo isticmaalayo sameynta hubka ay kooxda Boko Haram isticmaasho, iyadoo tan iyo sannadkii 2009-kii ay kooxdu dagaallo kula jirtay xukuumadda Nigeria.

Ugu dambeyn, ciidamada Nigeria ayaa waxay horay u qabsadeen deegaanno badan oo ay kooxdu horay u maamulaysay, balse Boko Xaram weli waxay qaadaysaa weeraro is-daba-joog ah oo ay si gaar ah uga fulinayaan gobolka Borno ee waddanka Nigeria oo ay Bama ka tirsan tahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya