4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2015
Agaasimihii hore ee Hay'adda Nabad-sugidda DF Soomaaliya oo ka hadlay Weerarkii Hotel Saxafi


Talaado, November 03, 2015 (HOL) — Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay weerarrkii ay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen Hoteelka Saxafi ee Muqdisho Axadii lasoo dhaafay, kaasoo lagu dilay 15-ruux oo xubno ka tirsan dowladda Somalia ay ku jireen.

Fiqi oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo is-biirsaday oo sababay in ay xilligaan kordhiso Al-shabaab weerarrada ay goobo ay Muqdisho ka mid tahay ka geysanayaan. Isagoo xusay in ciidamada amaanka dowladda Somalia ay lumiyeen meelihii loo baahnaa inay beegsadaan.

“Al-shabaab waxay ahayd dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay caqabadda hor-taagan ammaanka Somalia, waxayna soo mareen marxalado kala duwan oo ay ka mid tahay inay bedelaan qaabkoodii dagaalka,” ayuu yiri Axmed Fiqi.

Sidoo kale, Fiqi wuxuu sheegay in Al-shabaab ay wax badan ka bedeshay hababkii ay ku howlgeli jireen iyo meelaha ay beegsanaayaan. Isagoo xusay inuu laba arrin u sababeynayo arrintan, taasoo midda koowaad uu ku sheegay inay ka baxeen maagalooyinkii ay ku kala firisanaayeen, ayna ku ururaan meelo kooban oo dalka ka tirsan, taasoo keentay inay aad u fikiraan; ayna weeraraan meelaha u ah halbowlaha nolosha sida hoteellada.

Midda labaad ayuu ku sheegay inay la xiriirto ciidamada amniga dowladda oo uu sheegay inay dadaalayaan, laakiin istiraatiijaddoodii waxay noqotay in ay ilaaliya kooxda xukunka haysa markaas. Marka waxay lumiyeen hal-beeggoodii iyagoo mudnaantooda koowaadna siiyay dadka nidaamka dhaliila; kuwaasoo cadowga koowaad ay ka dhigteen.

Axmed Macallin Fiqi oo la weydiiyay mar haddii Al-shabaab la wiiqay sababta keentay in hadda ay weeraraan meelaha muhiimka ah ee Muqdisho iyo sidii ay ula macaamilli jireen Al-shabaab intii uu agaasimaha nabadsugidda ahaa, ayaa ku jawaabay.

“Waxaan ula macaamilaynay, xilligaas Al-shabaab nagama fogeyn oo Muqdisho ay qaybo ka joogeen, laakiin markii la fogeeyay oo degmada Baraawe ay tageen; AMISOM ayaa la isku halleeyay, ciidamada amnigana madaxda kama aysan helin dhiirri-gelintii ay ka heli jireen; waana la is-dhigtay. Balse waxaa loo baahan yahay in howsha ciidamada ammaanka muhiimadda koowaad la siiyo.”

Su’aal kale oo la weydiiyay Axmed Fiqi ayaa ahayd; Maxay Al-shabaab uga dhigan tahay inay hoteelada weeraraan, ayuu ku jawaabay. “Kooxda Al-shabaab waxay taasi uga dhigan tahay inay weerarro ka fulin karaan meelihii ay rabaan; waxay kaloo uga dhigan tahay inuu qorshahooda iyo abaabulkoodu dhiirrado; ayna sannadaha soo socda oo madaxda dalku ay ku mashquulsan yihiin inay kuraastooda ad-keystaan ay weeraraan meelo kuwii ay hadda weerareen aad uga muhiimsan, ayna dilaan dadkii ay dileen kuwo ka muhiimsan.”

Ugu dambeyn, Hadalka agaasimihii hore ee Nabad-sugidda Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalin ka hor ay Al-shabaab weerar khasaare geystay ku qaadday Hotel Saxafi, halkaasoo ay ku dileen 15-qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawaceen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya