4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2015
Eedeyn cusub oo loosoo jeediyay shan wiil oo ka mid ah dhallinyaro ku xiran Minnesota (Sawirro)


Talaado, November 03, 2015 (HOL) — Shan wiil oo ka mida toddoba dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay inay doonayeen inay ku biiraan kooxda Daacish ayaa shalay la hor-keenay maxkamadda federaalka dalka Maraykanka, qaybta Minneapolis, iyadoo lagu eedeeyay inay doonayeen inay dambi kasoo galaan dal ka baxsan Maraykanka.

Dambiga lagu eedeeyay dhallinyaradaan ayaa xukunkiisu noqon karaa 15-sano oo xarig ah. Kuwaasoo kala ah; Xamsa Axmed, Maxamed Faarax, Cadnaan Faarax,  Guleed Cumar iyo C/raxmaan Daa’uud waxay dhamaantood maxkamada ka qirteen inaanay dambigaas gelin, waxaana dhamaantood loogu yeeray mid-mid, iyagoo sheegay inaysan gelin dambigaas.

Sidoo kale, waxaa maxkamada looga hadlay cabasho ah halka uu ku xiran yahay Guuleed Cumar oo ah meel aan lasoo booqan karin; lana marsiiyo wiilasha kale ciqaab adag.

Qareenka Guuleed oo lagu magacaabo, Glen Pruder ayaa xaakimka u sheegay inuu aad ugu dhiban yahay xabsiga, kaddibna xaakinku wuxuu amar ku bixiyay in xabsigaas laga bedelo maadaama uu kala kulmay ciiqaab. Taasina waxay ahayd mid aad u farxad-gelisay qoyska uu ka xiran yahay Guuleed Cumar.

Waxaa horay loogu ballan-sanaa maxkamad dhici lahayd 16-ka bisha Feberaayo ee 2016-ka ayaa dib loogu dhigay 09-ka May, 2016-ka, taasoo ay codsadeen qareennada difaacaya wiilashan si ay ugu diyaar-garoobaan difaaca dambiga cusub ee lagu soo oogay, iyadoo uu xaakimkuna ka ogolaaday.

Markii ay maxkamadu dhamaatay ayaa waxaa bannaanka maxkamadda warbaahinta kula hadlay, Sadik Warfaa oo ah nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha Soomaalida iyo Sheekh Xasan Jaamici oo ah qareen iyo imaamka Masaajidka Dacwa ee St paul; waxayna sheegeen inay muhiim tahay in dhallinyaradaan ay helaan cadaalad, loona baahan yahay in la sugo eedda cusub inta maxkamadu ka billaabanayso.

Shiikh Xasan Jaamici oo ka jawaabayay su’aal ahayd, maxaa keenay eedeyntan cusub ayaa yiri. “Dhallinyaradan shanta ah waxay diideen in ay dowladda Mareykanka la shaqeeyaan oo ah in ay qirtaan dambigii hore; iyagana la siin doono sannado yar oo xarig ah, wayna diideen kaddibna waxaa loogu hanjabay in la keeni karo eedeyn dambiyo kale ah, waana taas waxa keenay eeddan cusub.”

Ugu dambeyn, waxaa iyana ku sugnaa goobtaas qaar ka mid ah waaliddiinta dhallinyarada xiran, waxayna dhammaantood ka murugeysnaayeen dambigan cusub ee wiilashooda lagu soo oogay.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota