4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2015
SIILAANYO: Cidna kama yeelayno in Ammaanka Somaliland ay Waxyeello u Geysato (SAWIRRO)


Talaado, November 03, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta ka qayb-galay xuska sannad-guuradda 22-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii ciidamada booliiska Somaliland.

Xaflad ballaaran oo ay kasoo qayb-galeen madaxweynaha, golaha wasiirada, xildhibaanno, madax-dhqameedka, taliyeyaasha booliiska iyo marti-sharaf kale, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay ruwaayad ka hadlaysay wax-qabadka ciidanka booliiska iyo siday bulshada ugu shaqeeyaan.

“Ciidanka boolisku waxay sanadkan gacanta ku dhigeen 3846 tahriiyeyaal ah, waxaa kaloo ay qabteen 56 mukhals (Ma-gafeyaal) kuwaasoo dhamaantood sharciga la geeyay xukunno kala duwanna lagu riday. Waxaa kaloo booliisku gacanta ku dhigeen 1,780 ruux oo kasoo jeeda qoomiyada oromada Itoobiya ah; kuwaasoo dalkooda dib loogu celiyay,” ayuu yidhi taliyaha booliiska Somaliland, Fadal.

Waxaanu intaas ku daray, “Waxaa kaloo arrimaha khatarta weyn ku ah amniga ka mid ah muranka dhulka oo dhimasho iyo dhaawac u gaysta booliiska, waanan madaxweyne kuugu hambalyaynayaa guddida aad u magacawday. Waxa kale oo ay talaabo adag booliisku ka qaadeen dhallinyarada kooxaha ah, waxayna gacanta ku dhigeen 550 dhallinyaradaas ah, waxaana xukunno kala duwan iyo ganaaxyo ku dhaceen 450,”

Wasiirka Daakhiliga Cali Warancadde oo isagana halkaasi ka hadlay ayaa yiri . “Waxaanu madaxweyne gacanta ku haynaa ciidammo dhisan oo hanan kara nabad-galyada gudaha ee Somaliland. Waxay awood u leeyihiin inay hantaan nabadda dalka iyo daryeelka bulshada Somaliland. Waxay ku suntan yihiin naftood hureyaal aan ka gabanayn cid kasta oo isku dayda inay waxyeesho ammaanka qaranka Somaliland,”

Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo ayaa bogaadiyay dadaalka ciidamada booliiska, isla markaana hambalyo u diray booliska iyo xaasaskoodda inuu sannadkaan - sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.

“Waxaan leeyahay aad iyo aad baan ciidanka booliska masuuliyiintiisa iyo mijihiisaba ugu bogaadinayaa sida wanaagsan ee qarannimada leh ee ay xilkaas iyo hawsha loo igmaday u ilaaliyaan. Waxaan leeyahay hambalyo aad iyo aad u baalaran ayaan idiin soo jeedinayaa,” ayuu yidhi madaxweynaha hambalyo u diraya ciidanka.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey siyaasiyiinta eedaha usoo jeediyey madaxweynaha ee saluugsan hanaanka waxa usocdaa waxa ugu jawaabay  “Siyaasadda waa la isku qab-sanayaa oo laga iskaga hor imanayaa laakiin, cidna ka yeeli mayno intaynu ciidankeena booliska iyo ciidamada kale ammaanka suga haysanno in ciddana waxyeesho oo umaddaa iyo dalkaa nabad galyada haysta ku ciyaarto,”

“Dal dimuqraadi ah ayaynu nahay, dal wada jir ah ayaynu nahay, siyaasadda waa la iskaga hor imanayaa, danaa la kala leeyahay, qaab kala duwan ayaa wax loo arkaa balse, farsamo, aqoon iyo cilmi iyo nidaam baa lagu kala baxaa. Wixii nidaamkaas ka baxsan ee nabadda wax-yeelaya cid laga yeelayaa ma jirto. Booliskani wuxuu u samaysan yahay inuu nabad galyada ilaaliyo cid kastaba ha noqotee,” ayuu yidhi hadalkiisa raaciyey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland