4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2015
Dibadbax loogu baroor-diiqayay dadkii lagu dilay Weerarkii Hotel Saxafi oo ka dhacay Muqdisho


Talaado, November 03, 2015 (HOL) — Mudaaharaad loogu baroor-diiqayay dadkii ku naf-waayay weerarkii hotel Saxafi ee Axadii lasoo dhaafay ay xoogag Al-shabaab ka tirsan ku qaadeen ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo dibdbaxayaasha oo u badnaa haweenka degmooyinka Muqdisho ay socod ku mareen degmada Shingaani illaa xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Dibad-baxayaasha ayaa kusoo uruuray xarunta dowladda hoose, iyagoo watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan, waxaana bannaan-baxa soo qaban-qaabisay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD.

Mas'uuliyiintii ka qayb-galay dibadbaxa ayaa ka tiiraanyeysanaa mas'uuliyiintii lagu dilay weerarkii Hoteelka Saxafi, waxayna ugu baaqeen shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago qaraxyada.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Xamar-weyne, Maxamuud Cali Xasan ayaa xusay in shacabka looga baahan yahay inay soo sheegaan kuwa falalka amni-darida wada, kuwaasoo uu sheegay inay cirka ka imaan oo magaalada gudaheeda iyo hareeraheeda ay joogaan.

"Nimankii ka dambeeyay weerarkii Hotel Saxafi cirka kama imaan Muqdisho iyo goobaha ku dhow-dhow ka yimaadeen, waxaa shacabka u sheegaynaa inaan Al-shabaab guryaha lagu qarsan, maalin kasta ma qaadan karno Hoteel la qarxiyo, kuwa falkaas geysanaya guryahiinna ayay joogaan ee ha loosoo sheego ciidanka ammaanka," ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada degmada Xamar-weyne.

Sidoo kale, guddoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab ayaa sheegay in bannaan-baxan uu yahay mid looga soo horjeedo xasuuqii Hotel Saxafi, isla markaana ay ka dhii-dhinayaan, waxayna tacsi u dirtay ehellada dadkii ku dhintay weerarkaas oo ay ka mid ahaayeen Jen. Dhega-badan, C/rashiid Il-qeyte iyo Xildhibaan Abtidoon.

"Labo sano ka hor halkan cadawga ayaa laga xoreeyay, waxaa rabnaa inaan u sheegtay inay suuro-gal noqon doonin inay halkan ku dhuumaaleystaan oo ay na qarxiyaan kuwa argagixisada, gaari qarax lagu soo raro shacabka ma laynayno ayaa leedihiin, war shacabka waxba uma reeban, waa na baabi'seen, haween Soomaaliyeed ayaa asaay u saarteen, waa cambaareyneynaa, waa fal fuleynimo ah, umana jiifan doono shaqada way soconeysaa," ayay tiri Jawaahir Baarqab.

Ugu dambeyn, guddoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasada ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo gunaanadkii ka hadlay dibad-baxa ayaa sheegay in ay cambaareynayaan weerarkii Hoteel Saxafi, isla markaana uu ahaa weerar argagixiso.

"Waa wax soo af-jarmi doona waqti aan fogeyn, haddana ummadda Soomaaliyeed iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee halkan jooga waxaa laga rabaa oo ku waajib ah inay kuwa ka geysanaya dhibaatada magaaladooda ay kusoo wargeliyaan ciidamada amniga, magaalada danteedana waxay ku jirtaa in shacabku gacmaha is-qabsado, meel uu kasoo wada-jeesto, taas haddii la waayo cadawga intaan in ka badan ayuu geysanyaaa, kan wax qarxinaya wuxuu kasoo baxaa guryo gabdho Soomaaliyeed ay deggen yihiin, waxaa qarsata waa ku qarsadaan ha is-dhihin adiga wax kuma gaarayaan, balse maalin ayay wax kugu dhici karaan, shacabka waxaa leenahay ciidamada ammaanka u soo sheega waxaad argtaan,” ayuu yiri Diiriye.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in Jen. Dhega-badan uu ahaa ninkii ka saaray Al-shabaab Muqdisho iyo gobollada qaarkood, isagoo sheegay in isaga iyo dadkii kale ee ku dhintay weerarkaas ay shuhado yihiin, gacan ka xaqdaranna ay dishay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya