4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2015
Maamulka Kismaayo oo Dhagax-dhigay Warshad Cusub oo Qalabka Dhismaha Sameyn Doonta
Talaado, November 03, 2015 (HOL) —Gudoomiyaha degmada Kismaayo mudane Ibraahim Max’ed Yuusuf Timajilic ayaa dhagaxdhigay dhismaha warshad sameyn doonta qalabka dhismaha taa oo laga hirgelin doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Warshadan ayaa sameyn doonto qalabka dhismaha, sida bulukeetiyada iyo noocyada kala duwan ee shubabka loo isticmaalo dhismeyaasha, waxaana warshadani loogu magacdaray Kulmiye, iyadoo ay magaalada ka hirgelinayaan qurbajoog u dhalatay deegaanada Jubaland oo ka timid dalka dibadisa.

Xafladda ayaa waxaa sidoo kale kazoo qeybgalay madax katirsan maamulka Jubbaland oo uu kamid yahay Xildhibaan Xuseen Xirsi Max’ed, waxaana ugu horeyn madasha ka hadlay gudoomiyaha degmada Kismaayo Mudane Ibraahim Max’ed Yuusuf, kaa oo sheegay in ay ku faraxsanyihiin shirkaddan laga hirgelin doono Kismaayo.

Gudoomiyaha ayaa dhagaxdhigay dhul bannaan oo ku yaal xeebta Kibooro ee magaalada Kismaayo, halkaasoo laga furi doono warshadan sameyn doonta qalabka dhismaha.

Xildhibaan Xuseen Xirsi Max’ed oo isna madasha ka hadlay ayaa dhankiisa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay warshadan laga furi doono Kismaayo, isagoo ku booriyay ganacsatada iyo qurbajoogta in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan islamarkaana maalgashtaan.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa mudooyinkii u danbeeyay u muuqatay mid kazoo kabaneeysa burburkii ay dhaxalsiiyeen dagaalladii sokeeye, ayadoo ay magaalada kusoo badanayaan dhismeyaasha cusub ee laga hirgelinayo iyo dayactir lagu sameeynayo goobihii ku burburay dagaalladii sokeeye.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected] 
Kismaayo-Soomaaliya