4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2015
SAWIRRO: Wasiirka Maaliyadda oo soo xiray shirkii looga hadlayay nidaamka maaliyada dalka


Talaado, November 03, 2015 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeeti” ayaa Muqdisho kusoo xiray shir ballaaran oo muddo saddex casho ah u socday wasaaradda maaliyadda iyo wasiiradda maamul-goboleedyada dalka, waxaan laga soo saaray shirka war-murtiyeed ka koobaan 9-qodob oo ku aaddan maamulka maaliyadda dalka.

Fargeeti oo ka hadlay xiritaankii shirka ayaa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay howsha ay sida wadajirka ah u qabteen guddigii wasaaradda maaliyada Somalia iyo wasiiradda ka socday maamul-goboleedyada.

“Waxaa manta farxad weyn ii ah inaan soo gunaado shirkii inoo socday mudadii sadedxda cisho ahayd ee lasoo dhaafay, waxaan iska xog wareysanay kana doodnay xaalada guud ee nidaamka maaliyada dalka, waxaa kale oo farxad ii ah in shirkan ay ka soo baxeen qodobo dan u ah shacabka Soomaaliyeed oo mar kasta dowladdu u taagan tahay sidii horumar loo gaarsiin lahaa,” ayuu yiri wasiir fargeeti.

Sidoo kale, wasiirka maaliyada Somalia ayaa tilmaamay in shirkan uu ahaa mid isku soo dhaweeyay dowladda Somalia iyo maamullada waddanka ka jira, isagoona ku boorriyay dhinacyada oo dhan inay iska xilsaaraan dhaqan galinta qodobbadii shirka kasoo baxay.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in shirarka noocaan oo kale ah ay sii wadayaan laguna qaban doono casimaddaha maamul-goboleedyada dalka, si shacabiga Soomaaliyeed loo gaarsiiyo hanaanka dowladnimo iyo hormar.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia, Cumar C/rashiid Cali oo kulan is-barasho iyo dar-daaran ah kula qaatay xafiiskiisa wasiirka maaliyadda iyo wasiirrada ka socday maamul-goboleedyada dalka, ayaa ku booriyay inay maammuladu xoojiyaan wada-shaqaynta kala dhaxaysa wasaaradda maaliyadda iyo qaybaha kala duwan ee dowladda Somalia.

Ugu dambeyn, Shirka ayaa waxaa laga soo saaray sagaal qodob oo kala ah:

1. In Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Somaaliya ay Maamul Goboleedyada gacan ka siiso sidii loo hormarin lahaa tayada shaqada iyo shaqaalaha wasaaradaha maaliyadda ee maamul-goboleedyada dalka.

2. In dowladda federaalka iyo maamuladda ay is dhaafsadaan wixii aqoon iyo khibrad ah iyadoo ay hormuud ka noqoneyso Wasaaradda Maaliyadda DFS.

3. In la mideeyo canshuuraha iyo Tariifooyinka dalka, lana abuuro guddi heer Qaran ah oo ka shaqeeya arimahaan.

4. In la baahiyo maamul-wanaagga, isla markaana sisiman loo gaarsiiyo dhamaan barnaamijka maareynta  Maaliyadda Maamul Goboleedyada.

5. In la dhaqan galiyo adeegsisiga qaabab Maaliyadeed casri ah oo isku mid ah.

6. In kulankan kiisa xiga ay go’aamiso Wasaaradda Maaliyadda DFS, halka uu ka dhacaya.

7. In si cadaalad ah loo qeybsado deeqaha laga helo deeq bixiyayaasha.

8. In la is waafajo shaqada iyo hanti-dhowrnimada.

9. In siyaasad loo dhanyahay laga yeesho lacagta shilin Soomaaliga ah oo sii dabar go’asa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya