4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
Musharax Cadow oo dhaliilay guddiga farsamada Maamul Dhisida Gobollada Hiiraan & Sh. Dhexe


Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Mid ka mid ah murashaxiinta doonaya inay u taagan yihiin xilka madaxweynenimo ee maamul-goboleedka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa kasoo hor-jeestay qaabka loo dhisay guddiga farsamo ee maamul u sameynta gobolladaas.

Musharax C/raxmaan Xuseen Cadow oo lagu naaneyso (Abdi Yare), ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayuu uga hadlay arrimaha maamulka cusub iyo waliba qaabka ugu wanaagsan ee bulshada ku dhaqan deegaanadaas ay oga qeyb qadan karaan dhismaha maamulkooda.

Siyaasiga, ayaa tilmaamay in guddiga farsamo ee ka kooban 14-ka xubnood ee dhawaan uu ku dhawaaqay Wasaaradda Arrimaha Guddaha dowlada federalka Somalia, uu yahay mid aanan lagu saleynin qaabka ay dowladu ku dhisan tahay.

“Dowladda Federalku waa in ay tixgelisaa cabashada Shacabka. Shacabkuna arrintaan way ka caroodeen, waxayna u arkaan in ay xadgudub weyn tahay, mana soo dhaweynin”, ayuu yiri Musharaxa oo intaas ku daray in dhalliilaha u muuqdo ay ka mid yihiin:-

● In guddigaas farsamo aanan loogu tala-galin Shacabka labada Gobol
● In guddiga aanan laggu saleynin qaabka Dowladu ay ku dhisan tahay iyo
● Guddigu uusan ku imaanin doorasho qof iyo cod ah.

Dhanka kale, Cadow oo ah musharraxii ugu horreeyay ee isku soo taago madaxweynaha labadaas gobol, ayaa wuxuu ugu baaqay wax-garadka, aqoon-yahannada, culummada, ururrada dumarka, dhallinyarada, siyaasiinta iyo dhamaan shacabka ku dhaqan goboladaas in ay muujiyaan dulqaad, ayna ka shaqeyaan horumarka deegannadooda.

Mudanaha ayaa ka codsaday dad-weynaha in ay markasta fiiriyaan danta guud iyo daris wanaaga. Wuxuuna cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday Hoteelka Saxafi ee ku yaallo Magaalada Muqdisho, isagoona tacsi u direy ehelledii iyo qaraabadii ay dadkoodu halkaas ku geyriyoodeen.

Ugu dambeyn, horaantii bishii aynu soo dhaafnay ee August ayey aheyd markii la saxiixay isku darka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, xilligaasoo Muqdisho la iskugu geeyay 2-da Gobonatoore iyo Wasiiradda ka soo kala jeeda labadaa Gobol.  

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya